Shirwaynihii Dhulbahante ee baryahanba ka socday degmada
Taleex ee gobolka Sool ayaa ergooyinka u fadhiyay ka soo
talo bixinta magaca uu yeelanayo maamulkii loo codeeyey in
loo sameeyo gobollada Cayn Sanaag iyo Sool ayaa maanta isku
raacay magaca maamul goboleedku in uu noqdo Maamul
Gobeleedka Khaatumo ee Soomaaliya afka ingiriiskana ku
noqonaya Khaatumo State of Somalia.
Dhinaca
kale haykalkii maamul ee gobolladani yeelan lahaayeen ayaa
lagu dhawaaqi doonaa maalmaha foodda inagu soo haya. Siada
ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay shir guddoonka shirka
Khaatumo ayaa tibaaxaya in uu maamulkani ka koobnaan doono:
1)
Golaha Odayaasha
2)
Golaha barlamanka
3)
Golaha Fulinta
Waxaa
kale oo ergooyinkii shirka ka qayb galay isku raaceen in 3da
masuul ee ugu sarreeya golaha fulinta sida Madaxwaynaha iyo
labada ku xigeen ay noqdaan kuwo meerto ah ee aysan noqon
kuwo ay si dimoqraadiyay ah ay u soo doortaan golaha
wakiilladu inta lagu jiro xilliga kalaguurka ah (transition
period).