Waxaa wax lala yaabo ah hadaladda ay ku
hadaaqayaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda
goboladda waqooyi galbeed, hadaladaas aan macnha ku
fadhiyin waxay dhawaan ka soo yeedheen shakhsiyaad
saaxadda siyaasadda soomaalida magac ku leh, Xaaji Cabdi
Waraabe iyo Faisal Cali Waraabe, Xildhibaan Dhugad,
hadalooda waxaa ka mid ahaa (a) Dhulku ma guuro ee dadkaa
guura, (b) midnimadda soomaliland waa muqadas (c) beelaha
SSC waa somaliland, iyo (d) dowlad baanu nahay, anigoo
arimahan sii bayaaminaya waxaan u sheegayaa dadyowga ku
dhaqan goboladda waqooyi galbeed:
(a) Dhulku ma guuro ee dadkaa guura!
waxaan idin waydiinayaa marka hore magaca ama
jamhuuriyadan aad sheeganaysaan yaa bixiyay? hadii
jawaabtu tahay waxaa bixiyay gumeysigii Ingiriiska oo ku
aadaneyd 1884, dhalashadda ama jiritaanka beelaha SSC way
ka horeysay taariikhdaas, geelasha beelaha SSC waxay daaqi
jireen duleedka Burco, gumeysigii markuu yimid dalkeena
degaano badan oo reerku lahaa ayuu ka barakiciyay, midna
ku darsoo gumeysigii ingiriisku dhul uu tuurta ku siday ma
keenin, dhulalkii soomaalida ayuun buu kala qeyb qeybiyay,
markuu qeybinayayna ujeedadiisa ugu weyni waxay is hayeen
gumeysiyadii kale talyaaniga iyo faransiiska, waxayna ku
heshiiyeen inay xeydaamo ama xuduudo kala sameystaan oo
dowlad waliba qeyb soomaaliya ka mid ah gumeysato, markaa
beelaha SSC way ka diideen qeybqeybintaas, waxayna kala
hortageen dagaal faraha laga gubtay oo daraawiishtii
hormuud u ahayd, taasina waa tii markii ugu dambeysa
dhaxalsiisay inay dalka ka baxaan, midna taladda ku darso
wixii aanu gumeysigii ingiriiskii 100 sandood ka hor ka
diidnay maanta qabiil yar oo nala mid ah ka yeeli mayno in
dalka la kala qeybqeybiyo
(b) Midnimadda Somaliland waa muqadas!
Beelaha SSC hore ayay u diidanayaan magac
bixinta somaliland, hadiise aan tiina idiin raaco, markaad
leediyiin midnimadda somaliland waa muqadas, meeday
midnimimadii soomaaliyeed ee ka xoog weyneyd ee muqadaska
ahayd, jabhado hubeysan ayaa baabiyey, hadaad tihiin
beelaha SNM, dowladii soomaaliya waxaad tiraahdeen waa
macangag, waa kaligii talis, iwm, Maxaad ula
dagaalameyseen, ujeedadu waxay ahayd inaad dhulkiina
taladiisa u madax banaanaataan sow maha, hadaba SSC waxay
maanta dooneysaa inay taladda deegaankooda u
madax-banaanaadaan, mid kale taladda ku darso xeerarka UN-ta
yaalla waxaa ku qoran in soomaaliya dowladi ka jirin laga
soo bilaabo 1991, balse hadda ay jirtaan maamul goboleedyo,
maamuladaasna waxaa sameystay qabaail, qabaailkuna xaq bay
u leeyihiin inay danahooda ka tashadaan..
(c) Beelaha SSC waa somaliland
Waxaan u kala garan la'ahay inaad
riyooneysaan iyo inaad waalantihiin hadaad tihiin Beelaha
Waqooyi Galbeed dega, markaad leedihiin, Beelaha SSC waa
soomaliland, waxaad ogaataan inay naan dhalasho wadaagin,
balse taladda ku darsoo kuwii aanu ka tagnay (puntland)
ayaa dhalasho nooga kiin dhow, dhul idinkama haysano oo
deegaanadayagii weeye waxaanu maanta maamulka u
sameynaynaa, ingiriiskiina sidaan hore idiinku sheegay
isagoo dhul tuurta ku wada dhul ma iman, markii xornimadda
uu gumeysigu siinayay goboladda waqooyi ma odhan qabiil
hebel baa qabiil hebel ka masuul ah, mana odhan qabiil
hebel ayaa somaliland gaar u leh, hadaan tiina idiin raaco,
somaliland waxaa wada dega gudabiirsi, warsangali,
dhulbahante, ciise, isaaq, iyo madhibaanka, qolo waliba
iyadaa u xor ah danaheeda iyo mustaqbalka deegaankeeda,
qolana inay qolo kale gumeysato laga yeeli maayo, beelaha
Isaaq si gooni ah somaliland uma laha, waa la wada
leeyahay, hadiiba heshiis hore jiray in maamul la wada
dhisto, tii maanta way socon wayday, oo maamulkii aad
sheegtid ee 1991 lagu dhawaaqay waxaa kali u maroorsatay
beelaha isaaq, markaa beelaha samaroon iyo dhulbahante iyo
warsangali xaq bay u leehiin inay maamul deegaankooda ah
sameystaan.
d) Dowlad baanu nahay
Dowlad hadaad tahay suaasha meesha taalla
waxaa weeye yaad dowlad u tahay? jawaabteedu waxaa weeye
dadkiina (isaaq) baad dowlad u tihiin ee soomaalida iyo
qabaailka kale dowlad uma noqon kartaan, markii hore
Jabhad SNM baad ahaydeen, hadana maamul baad u
xuubsiibateen, soomaliyana dowladi kama jirto
noocaydoontaba ha ahaatee, qabiilna qabiil kale dowlad
unoqon kari maayo, maanta waxaa soconaya wixii shacabku
ogol yahay, markaas waxaan idiin soo jeedinayaa inaad
degaanadiina dowlad u noqotaan, hadaad leediyiin beelaha
SSC waxay ku jiraan maamulka somaliland, taas jawaabteedu
waxaa idinka (isaaq) waxaa jira xildhibaano iyo wasiiro
DKMG idinkaga jira oo aydaan tirsan, kuwa hargeysa
joogaana waxay noola mid yihiin kuwiina mugadishu u shaqo
tahay.
Ugu dambeyn waxaan idin kula talinayaa inaad
fahantaan waaqa dhabta ee jira, Dhulbahante waa
dhulbahante, waana Harti, waana Daarood, wuxuu ka soo
jeedaa beel sal weyn, waad arkeyseen maamulka taleex lagu
dhisayo waxaa laga taageeray Badhan, Garoowe, Mugadishu,
iyo Kismaanyo, mid kale taladda ku darsadoo maamulkiina
intaasna midna lagama taageerin, hadalkii waxaan ku
gabagabeynayaa weedhii uu maalin dhaweyd lahaa Ismaaciil
Buubaa, waad go'doonsan tihiina waligiin ku jira
go'doonkaas hadii kale soomalida dhinac ka raaca.
Maxamed jama
madaxgaal@hotmail.com
Ogow: Ceegaag Masuul
kamaaha figrada uu xambaarsan yahay qoraalkan balse waamid
u gaara Akhristaha ku saxeexan.