Hurin ciidamo Somaliland
ka soo Goostay oo Taleex soo Gaadhay
Waxaa Maanta Gelinkii Hore Lagu soo
dhaweeyey Hoolka Shirka ee Khaatumo2 Koox Askar ah oo ka soo
Goosatay Maamulka Somaliland, waxaana ay ciidankani Saaka
Gelinkii Hore Soo gaadheen Magaalada Taleex, waxa ayna
sheegeen in ay u dul qaadan waayeen Dhaqanka Qalafsan ee
Maamulkaasi kula dhaqmo Shacabka Gobolka Khaatumo, waxaana ay
ka hadleen madasha shirka iyagoo sheegay in ay ku
faraxsanyihiin midowga Beesha Dhulbahante iyo ku dhawaaqista
maamulka Khaatumo State of Somalia, waxaana ay Ciidankani
ahaayeen sida ay sheegeen ciidamo ka hawl gali jiray
Saldhiga dhexe ee Laascaanood iyo kuwa taraafikadda waxa
ayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin Imaanshiyaha Taleex.
Dhinaca kale waxaa Magaalada
Laascaanood isna ka baxsaday Askar iyo 1 Gaadhi oo Nooca
Booliska ah Gaadhigan oo ah Nooca Loo yaqaano(XAAJIYAD)
Waxaana ay gaadheen Magaalada Buuhoodle waxaana tan iyo
intii Maamulka Cusub ee Goboladda SSC lagu dhawaaqay isi soo
taraya Ciidamada kasoo Goosanaya Maamulka Somaliland.