Kacdoon shacab
oo gacankahadal isku rogay oo ka socda magaalada
Laascaanood
Wararka naga soo gaadhaya xarunta gobolka Sool ee
Laascaanood ayaa sheegaya in banaanbax dad shacab
ahi ka ga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada
maamulka Somaliland ay joogaan Laascaanood uu dad
badani ku dhaawacmeen, ka dib markii ay ciidamada
amaanku u maaro waayeen xakamaynta dadkan banaan
baxayay kadibna ciidamada milatariga ahi yimaadeen
magaalada dhexdeedda rasaas noolna ooda kaga
qaadeen dadkii halkaa ku banaan baxayay.
Mar aanu la xiriirnay shaqaalaha caafimaadka oo ku
sugan Isbataalka magaalada ayaa noo xaqiijiyay in
ay Isbataalka la keenay ilaa Lix dhaawac culus ah
oo rag iyo dumarba leh.
Hada saacada magaaladu waa 12:00 duhurnimo kala
soco wararka xiisadan ceegaag online.