Markaz As-Sunnah
oo laga Dhisaayo Magaalada Badhan ee Gobolka
Sanaag, Somalia
Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo
dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan,
ayaa waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan
magaalada Badhan, iyada oo leh, Masajid aad u
wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu
akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo,
Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta
bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho.
Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la
sii kordhin karaa.
Magalada Badhan oo ah magalooyinka
ugu waa wayn gobolka Sanaag, ee Soomaaliya,
ayaa aad u kortay sanadihii danbe, iyada oo
xaruntii Jamacada Maakhir na la bilaabay,
Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo
badan oo waxbarashada kaabaya, Sidaa
awgeed dadka Badhan ku dhaqan ayaa aad usoo
dhowaynaya Markas kan cusub.
Markas kan oo hada dhow dhow
dhamaystirkiisu ayaa waxaa maal geliyey,
Maxamed Ahmed Yusuf,( Maxamed Xawar),
waxaana dhistay shirkada Hawar Heights
uu masuul ka yahay Adam Ahmed
Yusuf,(Adam Xawar).
Waxii faahfaahina kala xiriir
Adam Xawar
Manager,Hawar Heights ,
Badhan, Somalia
Tell: +25258666727