RIAC oo lagu soo kordhiyay xafiis La'talin iyo
Adeeg bulshadeed ah.
(Boston, MA, Jan 28, 2012 Ceegaag Online)
Refugee and Immigrant Assistance Center (RIAC)
Waxaa maanta si rasmi ah loo furay xafiis
qaabilsan adeega bulshada dhinaca talooyinka iyo
tusaalayaasha la siiyo dhalaanka soo koraya siiba
qaangaadhayaasha cusub. Ugu horayn waxaa shirka
furtay Maryan Gaas oo ah Madaxa RIAC oo sheegtay
magaca xafiiskan oo afka qalaad lagu yidhaahdo
RIAC Community Consoling Serves.
Maryan waxay ku soo dhaweesay goobta Saciido Cabdi
oo hadalka ku bilowday in dadaal dheer Dabadeed
ay maanta suuro gashay in la furo xafiis diyaar u
ah daryeelka iyo daaweenta dhibaatada badanaa
dadkeena Soomaaliyeed uga timaada dabeecada
deegaankan cusub ee loosoo qaxay.
Saciido waxay sheegtay in xafiiskan dadka
Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin sababta oo ah
‘iska daa dadkeenan qaxootiga ku yimid wadanka e
dadka u dhashay ayaa loo fidiyaa gargaarkan siiba
dhalaanka soo koroya’. Iyada oo ugu danbayntii ka
codsatay in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan
Boston inay gacan ku siiyaan ka jibo keenida
daryeelka ay doonayaan inay u fidiyaan shacabka
reer Boston siiba kan Soomaalida.
Waxaa isna goobta ka hadlay Cyril Ubiem oo ah
professor ku takhasusay cilmi nafsiga isaga oo
hadalkiisa u badinayay dhinaca daryeelka
caafimaadka raga. ‘Cudarada ugu daran ee dila
dadka madowga ah ee dalkan Maraykanka waa la
daaween karaa hadii la’ogaado inta aysan baaluqin
oo aysan ku fidin qaybo badan oo jirka ka mida’.
Pro. Cyril waxa tilmaamay halista cudurada
Macaanka, Dhiigkarka, isaga oo carabka ku adkeeyay
isaga oo aan ka sariiganayn cudurka dilaaga ah ee
Sheelada afka qalaadna lagu yidhaahdo "Prostate
Cancer", ‘waa inaad iska baadhaa cudurkan hadii
dadaadu 40 ka dhaaftay waa inaad u ogolaataa
dhakhaatiirta inay kaa baadhaan cudurkan oo
baadhididiisu ku lugleedahay farafarayn Xiniinyood
iyo ibta hoose ee habdhiska dheefshiidka Cuntada’.
Liza Fortuna oo ah dakhtarad in badan lasoo
shaqaynasay caruurta Soomaalida kana timid Gobolka
51 aad ee maraykanka waa wadanka Pueta Rico hadana
ay aad ugu faraxsan tahay rugtan iyo inay si toos
ah ula shaqayso Soomaalida. Liza waxay carabka ku
dhufatay in dhib badan oo ka imanaya la qabsiga
wadanka uu hada kow u yahay Jaaliyada loona baahan
yahay wax ka qabadkeeda in loo midoobo.
Waxaa shirka isna kalmad kasoo jeediyay Sheekh
Yuusuf Cabdala isaga oo ku amaanay hawsha
dheeraadka ah ee RIAC u tafa xaydatay inay
shacabka reer Boston u qabtaan, isaga oo sheegay
inay iyagu wadaado ahaan hawsha gacanta kula
jireen diyaarna u yihiin inay hada la shaqeeyaan
rugtan cusub, Sheekha ayaa sheegay in diinteenu
wax badan oo dhaqan xumo ah inaga badbaadinaso
hadii aynu ku dhaqano caruurteenana ku ababaino.
Sh. Yuusuf waxa uu hadalka kusoo gabo gabeeyay
hadii aad aragto cunugaaga ama cunugtaada oo
boorsada inaad eegto waxa ugu jira kaala cararaya
digtoonow waxbaa jire e, hadii aad aragto cunuga
ama cunugtaada oo Taleefoonka la dhuumanaya marka
qof gaari soo Waco digtoonoow waxbaa jidka kusoo
jira e, hadii aad aragto cunugaaga ama cunugtaada
oo Iskuulka kusoo daahaya digtoonoow daroogaa
daaqada kaaga soo gashay e.
Ugu danbayn waxaa shirka soo gabogabeeyay Marwo
Maryan Muuse Boqor oo ka hadashay dhibaatada kala
haysata waalidiinta iyo caruurta ay ku korsanayaan
deegaankan Mareekan. Maryan Muuse ayaa sheegtay in
aynu isaga nimid wadankeenii caruurteenuna aysan
ku korayn sidii aynu kusoo kornay, loona baahan
yahay in aynu isku xirno xarumaha caafimaadka, aana
la sharaysan booqashada xafiisyada dhakhaatiirta
waayo waalid ahaan badanaa kama war hayn karno
waxa ay caruurtu tabayaan. Maryan ayaa ku
guubaabisay Hooyooyinka inay samaystaan xaflada
naqas bixin ah si naftoodu uga nafisto nolosha
adag ee ay kula daalaa dhacayaan deegaankan
Mareekan. Maryan ayaa uga digtay waalidiinta
inaysan qarsan dhibaatada caruurtooda iyaga oo
sumcad xumo bulshada dhexdeeda ah uga baqaya
‘Caruurtiina hadii aad fahmi waydaan u geeya dad
khibrad leh sida dhakhaatiirta noocyadooda
kaladuwan ee ilaahay inoo sakhiray’.