Waxaana uu Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare uu ku dhawaaqay in uu Shirki si rasmi ah u furanyahay waxaa kale Garaadku sheegay in uu ku faraxsanyahay in shirka Beesha Dhulbahante ay wada tashato isla markaana waxaa uu garaadku sheegay in shirkani uu ahmiyad wayn u leeyahay dhamaanba Umadda Deeganaada SSC.
Sidoo kale waxaa Madashan ka hadlay Dr Cali Khaliif Galaydh oo isna ku dheeraaday Baahiyaha Loo qabay Shirkan waxaana uu sheegay in aanay jirin wax fikir ah oo ay Kooxda G6 ay dibada Kala timi oo haatan taleex dadka iskugu yimi ay Dhaqan gelinayaan balse waxa uu sheegay in shirkani uu yahay mid wada tashi isla mar ahaantaana Ay Go'aamadiisa iyo Go'aamintiisu ay u taal Ergooyinka ka soo qayb Galay Shirka Khaatumo 2.
Waxaa Sidoo kale madashan Ka hadlay Pro Cali Ciise Cabdi oo qudbad qiiro leh ka soo jeediyey waxa uuna Umadda SSC ugu Baaqay in ay shirkan ka faa'iidaystaan isla markaana waxa uu Pro. Cali Ciise uu sheegay in Shirkan uu rajaynayo inay ka soo baxaan Qodobo Wax ku ool ah oo Shacabka SSC wax tar u leh.
Waxaa madashan ka hadlay Cuqaal, Garaado iyo Marti sharaf waxa ay dhamaantoodna waxa ay ku dheeradeen Ahmiyadda Shirkanu uu u leeyahay dadka daga Mandaqadan waxaana geestooda ayaguna Ay fanaaniin u badan Gabayaa ay ku soo bandhigeen gabayo Halku dhigoodu yahay Khaatumo 2 iyo Sida loogu han waynyahay.
Waxaa Xafladan Furitaanka Khaatumo2 Soo afmeeray
Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac Sheegayna
in beesha Dhulbahante ay Haatan midaysantahay kuna
midoobeen in ay Danahooda ka arinsadaan waxaa kale
oo garaadku uu Alle ka baryey in shirkani uu noqdo
mid najaxa.
Daawo Sawirada Shirka
Maxamed Cismaan C.nuur
Taleex