Warar Dheeraad ah oo ka
soo kordhay dagaalkii ciidamada Somaliland ku soo qaadeen
degmada Buuhoodle.
(Buuhoodle,
Jan 15, 2012 Ceegaag Online)
Warar xogogaal ah oo
aannu ka hellay dagaalkii gaadmada ahaa ee saaka waabarigii
ciidamada Somaliland ku soo qaadeen Degmada Buuhoodle ayaa
tibaaxaya in uu dhaliyay khasaare labada dhinac ah. Dhinaca
ciidanka Somaliland ayaa waxaa ka dhintay inta la hubo 3
askari oo maydkooda lagaga tagay duleedka magaalada xagga
hal aski oo kale manta galinkii danbe laga helay aagga
qudhaca Buuhoodle. Waxaa isna lahayaa Askari dhaawaca oo
lagu dabiibayo isbataalka Buuhoodle lamana garanayo
khasaaraha kale ee gaadhay maadaama aysan noo sooro galin
ina aan xogta ka helno taliyayaasha ciidamada Somaliland.
Dhinaca kale shacabka Buuhoodle ayaa dagaalkaas iska
caabiyay kana saaray magaalada ciidankaas ku soo duulay
iyadoo dagaalkaas ay shacabka kaga dhinteen shan Raga
iyo Haweenay 6ruux illaa 13na ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas
ku daraya in ciidamadii soo duulay ee Somaliland ay hadda ku
noqdeen goobihii ay ka soo ruqaansadeen ee aaggaga Hagoogane,
Kalshaale iyo Maygaagle, halka dhinaca Buuhoodle ay
ciidankii shacabku ku diyaargaroobeen balliga Shangalle iyo
nawaaxigiisa. Waxaa dhinaca kale labada dhinacba u socda
gurmadyo xoogle iyo tabaabulshe dagaal oo laga yaabo in
markale laysku farasaaro jiidaha ay isku horfadhiyaan labada
ciidan. Dagaalkan ayaa yimi sida la sheegayo ka dib markii
ciidamo taabacsan maamulka Somaliland una dhashay degaanka
Buuhoodle ay gudaha magaalada soo galeen habeen hore isla
markaana ay kula taliyeen ciidanka Somaliland ee fadhiyay
degaanka Qoriligud in ay soo galaan magaalada iyagoo ugu
sheegay in aysan la kulmidoonin wax iska caabbin ah.
Dagaalkan ayaa haddii maamulka Somaliland sii wado isu rogi
kara dagaal ahli oo saameeyn wayn ku yeesha ammaanka
gobollada waqooyi oo dhan.
Isku soo duuduuboo
dagaalkan ay maanta Somaliland ku soo qaadday degaanka
Buuhoodle ayaan la garan karin waxa sababay iyadoo xillagan
ay u fadhiyaan waxgaradka Dhulbahante degmada Taleex kagana
dhawaaqeen in ay maamul ka madaxbannaan maamullada hareeraha
u samaynayaan gobollada Sool Cayn iyo Sanaag.