Ra'iisal wasaaraha
Soomaaliya oo qudbad xamaasad leh ka jeediyay furitaankii
shirka ansixinta dastuurka.
(Muqdisho,
July 25, 2012 Ceegaag Online)
Ra’iisul
wasaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa
maanta khudbad xamaasadaysan ka jeediyey furitaanka shirka
Ansixinta Dastuurka kaas oo ay ka soo qayb galeen in kabadan
1500 oo qof. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalia Shariif Sheekh Axmed,
Gudoomiyaha Baarlamaanaka Mudane: Shariif Xasan Sheekh Adan,
Ra’iisul wasaare ku xigeenada, Golaha wasiirada, Ergayga QM
ee Soomaaliya Dr. Agustina Mahiga, AU, IGAD, Jaamacada
Carabta,Galmudug, Ahlu-Suna-Waljameeca, Puntland iyo marti
sharaf kala duwan.
Ugu
horayntii Wasiirka Dastuurka Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil
ayaa sheegay in 06-Sep 2011 uu soo bilowday Road map-ku
kadib shir ay isugu yimaadeen madaxda Soomaalida iyo beesha
Caalamka ayaa lagu asteeyey barnaamijka Road Map-ka kaas oo
ka koobnaa afar qodob, oo kala ah Xasilinta dalka, Dib-uheshiisinta,
Dowladd Wanaaga iyo Dastuur u samaynta Dalka si looga baxo
KMG,
“waxaan
go’aansanay inaan howshaan Culus hirgalino waxaana la
kulanay caqabado faro badan balse waxaa mahad iska leh
madaxda qaranka oo muujiyey dadaal faro badan, waana markii
ugu horaysay mudo 43 sano ah Soomaaliya loo sameeyo Dastuur,
waxayna sabab u noqotay Dastuur la’aanta in dalkeenu uu galo
dagaal sokeeye waxaana meesha ka baxay sharcigii aan
dagsanay sidaas daraadeed maanta waxaa noo bilowday taariikh
cusub waxaana rajaynaynaa in sideed maalmood ee soo socota
lagu ansixiyo Dastuurka KMG”
Sidoo kale
Ergayga QM Dr. Agustina Mahiga ayaa mahad balaaran u soo
jediyey madaxda qaranka iyo ka qayb galayaasha
shirka,wuxuuna sheegay in Road Map-ka la soo waday mudo 10
bilood ah waxaana dad badan ka aamin sanaayeen inaysan
suurto gal ahayn in Soomaaliya shirar lagu qabto, Dastuurna
loo sameeyo waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in laga
gudbo sadex marxaladood oo kala ah, Ansixinta Dastuurka oo
maanta noo bilaabatay, soo xulida xildhibaanada Baarlamaanka
cusub iyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaaka iyo ku
xigeenadiisa, 20 Augstay Soomaaliya hesho madaxweyne ka
saari kara marxalada uu ku jiro dalku, aqoon iyo kartina leh.
Ugu
danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay iney
maanta tahay maalin ku weyn shacabka Soomaaliyeed waxaana
loo fariistay Ansixinta Dastuurkii la soo bilaabay 2005.
“Ra’iisul
wasaare Gaas ayaa sheegay in maanta si rasmi ah u
fadhiisteen 825 oo ah Ergadii labaad ee Ansixin lahayd
Dastuur ay yeelato Soomaaliya, waxaana ergadaan ka horaysay
Ergadii 110 xubnood ahayd oo 1960 u fariistay Ansixintii
Dastuurkii Soomaaliya. Dalka Soomaaliya 21 sano waxa
daashaday colaado iyo abaaro soo noqnoqday waa in la helo
Dastuur ka turjumaya cadaaladda iyo sinaanta, Dastuurku waa
xeer ka dhexeeya bulshada waana mid KMG ah Barlamaanka la
soo xuli doono ayaa wax ka badal ku samaynaya ilaa laga
helayo Dastuur loo qaado Afti Dadweyne”
Sidoo kale
Ra’iisul wasaare Gaas ayaa ergada ku booriyey in ay wakiil
ka yihiin 11 milyan oo Soomaali ah, Ergay kastana uu wakiil
ka yahay 13 kun oo qof oo Soomaali ah sidaas daraadeedna loo
baahanyahay inaad muujisaan wadaninimo iyo dal jecayl
waxaana shacabka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan rajada ka soo
baxda halkaan, Ra’iisul wasaaraha ayaa mahad celin balaaran
u soo jeediyey Golaha wasiirada isagoona sheegay iney yihii
kuwii dalka shabaab ka xoreeyey, waana kuwii dalka ka
saaraya KMG waxayna muu jiyeen Golaha Wasiirada geesinimo.
Dirac Salaad
Communication
Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu,
Somalia
ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |