Fanaanada Saado Cali oo usi
diyaarinasa ka qayb qaadashada ansixinta Dastuurka
Soomaaliya.
(Garoowe, July 21, 2012, Ceegaag Online)
Saado
Cali Warsame oo lahadlasa Shacabka Soomaaliyeed
Dhagayso
Madaxda
maamulka Puntland oo uu horkacaya madaxwayne Cabdiraxman
Maxamed Maxamuud ‘Faroole’ iyo madaxwayne ku xigeenka
Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta booqdey Fanaanada Qaranka
Soomaliyeed Saado Cali Warsame oo shalay shil gaari inta u
dhaxeysa Kalabeyr iyo Garowe ka soo gaarey dhaawac.
Wasiiro
ay ka midyihiin arrimaha gudaha Gen.Cabdulaahi Axmed Jaamac
Ilkajir maaliyada Faarax Cali Shire,haweenka iyo arrimaha
qoyska Puntland Marwo Caasho Geele Diiriye ,xildhibaan
Prof.Cabirisaaq Xasan Cismaan Juurile iyo saraakiil kale
ayaa la socotey madaxweynaha marka uu boqanayey Saado Cali.
Fanaanada
ayaa waxa laga kabay gacanta bidix oo jabtey waxana aad u
wanaagsan xaaladeeda iyadoona dhakhaatiirtu sheegeen dhowaan
Saado in loo ogolaan doono inay guda gasho hawlihii ay dalka
u timid. Iyada oo ka mid noqonasa ergada Puntland uga
qaybgalaysa ansixinta Dastuurka Soomaaliya.
Dhinaca
Kale waxa xalay abaare saqdii dhexe magaaladan Garowe
Isbitalkeeda ku geeriyoodey Allaha u naxariistee Jaamac
Maxamed Nuur ’’Jeele’’ oo kamid ahaa dadki gaariga la
saarnaa Saado Cali.
Aas
Qaran uu ka qaybgalay madaxweyne ku xigeenka Puntland
Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa loo sameeyey saaka waaberkii
weriyaasha ku geeriyoodey shilkan gaari.
Dareen
murugo iyo naxdin isugu jira ayaa hareyey Puntland iyo guud
ahaan Soomaaliya iyo somalida dunida ku nool kadib soo shaac
bixidii warka shilka gaari ee Saado Cali la socotey oo ka
dhacey meel 60KM qiyaastii u jirta magaalada xarunta
Puntland ee Garowe.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|