Farmaajo oo ka jawaabay
eedayntii baadhitaanka Qaramada Midoobay ee ku aadanayd
hanti ay lunsadeen madaxda dawladda kmg ah ee Soomaaliya
(Nayroobi, July 17, 2012, Ceegaag Online)
Daawo
Waraysigii Raysalwasaaraha
Ujeeddo: Jawaab ku aaddan warbixintii ay soo
bandhigeen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeeridda
Soomaaliya
1-
Waxaan soo dhawaynayaa warbixintii ka soo baxday guddiga
kormeerayaasha Qaramada Midoobay u qaabilsan baaritaanada
ku aaddan musuqmaasaqa ee arrimaha Soomaaliya. Taas oo aan
u arko in ay tahay mid anfici doonta jiilalka dambe ee
Soomaalida.
2-
Waxa kale oo aan aad ugu faraxsanahay sida faahfaahinta
dheer leh ee ay guddigu isugu hawleen in ay soo helaan
kiisaska ku aaddan mususmaasuqa. Kuwaas oo intooda badan
sidii la rabay daaha looga rogay.
3-
Baaritaannada la sameeyay oo aan ogahay in wakhti dheer
iyo dadaalba lagu bixiyay waxay intooda badan ku
guulaysteen inay soo helaan marxaladda dhabta ah ee ay
Soomaaliya marayso,. Taas oo ay ahayd mar hore in ay
shacabka Soomaaliyeed ogaadaan.
4-
Waxaan ku boorrinayaa shacabka Soomaaliyeed inay akhriyaan
oo si qoto dheer u fahmaan dhammaan qodobada warbixintan
oo ay tahay in si fiican dadka loogu turjumo.
Mawqifkayga
ku aadan Musuqmaasuqa
Tan iyo
markii aan bilaabay inaan ka shaqeeyo nidaam dawladeed laga
soo bilaabo 1993 oo aan la shaqaynayay dawladda hoose, tan
dhexe iyo tan gobolka ee New York, kana shaqaynayay
ilaalinta xuquuqda dadka laga tiro badanyahay, waxaan
waligey ku dadaali jiray oo ay ogyihiin intii ila soo
shaqaysay inaan ka hortago musuqmaasuqa oo aan ku dadaalo
ilaalinta xuquuqda iyo daryeelka dadweynaha.
Waxaan
bartilmaameedsanayay inaan Soomaaliya u soo celiyo sharaftii
iyo karaamadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka, anigoo
billaabay inaan Soomaaliya gaarsiiyo dhanka maamul wanaagga
waddamada horumaray, tan iyo markii aan xilka Ra’iisul
wasaarennimo qabtay sannadkii 2010 ka.
Dhisitaanka
nidaamka Dawladnimo ee Soomaaliya
Markii
aan la wareegay xilka December 2010ka, Waxaan billownay
shaqo adag oo ay igala qaybgaleen dhammaan ummadda
Soomaaliyeed gaar ahaanna golihii xukuumadda.
1-
Waxaan ansixinnay miisaanayad sannadeedka qaranka oo ahayd
tii ugu horreysay ee muddo 20 sano ah, baarlamaanka la
mariyo.
2-
Waxaan dib u bilownay mushaaraadkii dhammaan shaqaalaha
dawladda, gaar ahaanna ciidamada qaranka oo markaas ay
haysatay duruuf adag oo ay ugu horreyso mushaar la’aan
raashin la’aan, daawo la’aan iyo hub la’aan, iyadoo aan
bilownay daryeel guud oo aan siinayno ciidamada oo ay ka
mid tahay musharaadka xataa loo billaabay dhammaan
qoysaskii askartii ku geeriyooday dagaallada ay dawladdu
kula jirtay kooxaha ka soo horjeeday.
3-
Waxaan bilownay xoojinta ciidamada sirdoonka Soomaaliya.
Taas oo yaraysay qaraxyadii ka dhacayay Muqdisho,
horseedna u noqotay in la jabiyo kooxihii ka soo horjeeday
dawladda.
4-
Waxaan joojinnay diyaaradaha khaaska ah ee ay horay u
qaadan jireen madaxdii naga horreysay. Taas oo ay
sannadkii malaayiin lacag ah Soomaaliya uga khasaari
jirtay, annagoo ku badalnay in madaxda dawladdu marka ay
safrayaan ay raacaan diyaaradaha shacabka, si loo
badbaadiyo hantida qaranka.
5-
Waxaan yaraynay safarradii madaxda dawladda, marka laga
reebo kuwa laga fursan waayo. Waxaan lacag u qoondaynnay
safarada masuuliyiinta dawladda oo awal ay bixin jireen
hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo adkeeyo
madaxbannaanida Soomaaliya iyo qaranimadeeda.
6-
Waxaan dib u dhisnay taleefishankii qaranka oo muddo
labaatan sano ka badan aan hawada soo galin. Taas oo aan u
isticmaalnay inaan shacabka u marinno farriimaha
wadaninnimada, keentayna markii dambe in dhammaan
dadweynihii caasimaddu ay ugu istaageen si iskood ah in ay
ula dagaallamaan kooxihii dawladda kasoo horjeeday, ayna
si toos ah isugu xirmeen shacabka iyo dawladdu.
7-
Waxaan dayactirnay oo qalabaynay Isbitaalka Martiini oo
lagu xannaanaynayay ciidamadii dalka soo difaacay ee ku
dhaawacmay dagaaladii Soomaaliya ay la gashay waddamada
dariska. kuwaas oo ay dawladdu u soo celisay daryeel buuxa
iyo xuquuqdii ay ku lahaayeen dalkooda.
Anigoo
hal meel ah aan ku soo wada koobi karin waxyaabihii ay
qabatay xukuumaddaydii mudadii 6-da bilood ahayd, waxaan
arrimahaas dhowrka ah uga taabtay in dhammaan waxyaabihii
noo qabsoomay ay ku yimaaddeen dagaalkii aan kula jirnay
musuqmaasuqa. Taas oo keentay in lacagihii markii hore ku
dhici jiray jeebabka masuuliyiinta lagu qabtay adeegyo
shacabku ay u baahnaayeen, iyadoo sidoo kalana horseeday
kalsooni in ay shacabku siiyaan dawladda.
Waxa
xusid mudan in dawlad wanaaggii aan wadada u xaarnay in
uusan socdeen haddii uu jiri lahaa musuqmaasuq.
Warbixinta nuqul ka mid ah ayaa soo qaadanaya magacayga oo
oranaya: “Ra’iisul wasaare C/wali Gaas ayaa u sheegay
guddiga baarista in lacag dhan 3.5 milyan oo dollar oo ka
mid ah lacagtii ay dawladda Imaaraadka carabtu ugu deeqday
Soomaaliya, aysan soo gaarin oo ay lunsatay xukuumaddii
Farmaajo.”
1-
Qofkii si fiican u akhriyay warbixintaasi wuxuu dareemi
karaa inaysan jirin wax eedayn ah oo guddigaasi uu
xukuumadaydii ku soo oogay.
2-
Sida ku xusan isla warbixintana waxaa lagu sheegay inaanan
wax waraysi ah la igala yeelan arrinkaas. Maadaama aysan
guddigu arrintaas wax iga waydiinna, taasi waxay
muujinaysaa in guddigu ay waayeen caddayn ay ku qancaan.
Taas oo keeni lahayd in la ila soo xiriiro.
3-
Sida warbixinta lagu sheegayse waxaa jira eedayn ka timid
walaalkey ra’iisul wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas oo
wasiirna ka ahaa xukuumaddaydii, isla markaana aan nahay
saaxiib gaar ah. Anigu ma aaminsani in eedayntaasi ka
timid C/wali amaba ay tahay wax suuroobi kara. Sidaa
awgeed waxaan codsanayaa in Md. C/wali uu arrinkaas
daahfuro uuna shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigo
haddiiba ay jiraan caddaymo muujinaya in lacag intaas dhan
ay ku maqantahay dhankayga, haddii uusan hadalkaa oranna
uu shacabka u caddeeyo. Waxa aan ogahay in C/wali uu yahay
nin aan muddo dheer is naqaanay, oo og halka aan ka
taaganahay musuqmasuqa iyo lunsashada hantida qaranka.
Waxa kale oo aan idiin caddaynayaa inuu ka mid yahay dadka
aan aadka u qaddariyo oo laga yaabo xogta warbixinta ku
qoran in lagu been abuurtay.
Gabogabo
Dagaalka
aan la galnay musuqmaasuqa xilligii xukuumaddii Tayo, waxaan
aaminsanahay in uu laf dhabar u ahaa guulihii aan ka gaarnay
dhinacyada dawlad wanaagga, guulihii ciidamada, koboca
dhaqaale iyo siyaasadaba. Taas oo igu abuurtay inaan dareemo
in shacabkaygu u baahanyahay inaan sii wado shaqadii hakadka
gashay, waana midaas tan igu kalliftay inaan isu soo taago
xilka madaxweynenimo ee dalka, si aan idiinku hoggaamiyo
caddaalad, sinnaan, midnimo, Soomaalinimo iyo Islaamnimo.
Taas oo noo suura galin doonta dhammaanteen innagoo gacmaha
is haysanna inaan ka gudubno dhibaatooyinka dalkeenna soo
wajahay 20-kii sano ee la soo dhaafay.
Waxaan
Ilaahay uga rajaynayaa shacabka Soomaaliyeed inay helaan
hoggaan caadil ah oo ka saara dhibaatada dalka haysata iyo
doorasho ku dhacda si xaq ah.