Munaasabad Muqdisho loogu
sameeyay Arday ka qalin-jabisay Kulliyadda Dhaqaalaha ee
Jaamacadda Muqdisho
(Muqdisho, July 19, 2012, Ceegaag Online)
Ardaydan
oo ka baxay qaybaha kala duwan ee kulliyadda dhaqaalaha
Jaamacadda Muqdisho ayaa maanta munaasabad ay ku qalin
jabinayeen loogu sameeyay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen
mas'uuliyiin kala duwan. Munaasabadda oo ka dhacday
hoteelka Shaamow ayaa hadallo kala duwan ka jeediyay
ardaydii qalinjabisay oo gabdho iyo wiil ahaa,
mas'uuliyiinta jaamacadda qaarkood iyo marti-sharaf kale. "Waxaan
u mahadcelinayaa macallimiinta iyo maamulka jaamacadda
Muqdisho oo ii suurogeliyay inaan maanta ka qalin-jabiyo
kulliyadda dhaqaalaha, runtiina waa heer aan aad ugu
faraxsanahay inaan soo gaaro," ayay tiri Xamdi Cumar Xasan
oo ka mid ah ahayd ardaydii qalin-jabinaysay.
Diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Maxamed
Xuseen Ciise (Liibaan) oo isaguna munaasbadda ka hadlay ayaa
sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 40% ardayda
jaamacadda dhigta ay yihiin gabdho.
"Jaamacaddu waxay tixgelin gaar ah siisaa waxbarashada gabadhaha," ayuu
yiri Dr. Liibaan oo hadalkiisa raaciyay in ardayda
jaamacadda ka baxay ay la socdaan isbedellada cilmiga ku
imaanaya.
Ustaad Cali Daahir Maxamed oo ka mid ah mas'uuliyiinta
jaamacadda Muqdisho ayaa hadal uu munaasabadda ka jeediyay
ku yiri: "Maanta waxaa faraxsan bulshada oo dhan, sababtoo
ah waxaa u soo qallin-jabiyay arday taqasusaad kala geddisan
leh." "Ardayda waxaan kula dardaarmayaa inaysan noqon
kuwo cilmi leh oo aan waxba akhrin. Jaamacaddu waxay
leedahay dhaqan wanaagsan oo wax la idinku soo baray, waxaa
la idin kaga baahan yahay inaad u gudbisaan bulshada cilmiga
aad barateen, aadna noqotaan dad leh ixtiraam iyo dulqaad,"
ayuu yiri Ustaad Cali Daahir.
Nasro Wehliye Maalin oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda
Isgaarsiinta Nationlink oo ka hadashay munaasabadda ayaa
sheegtay in Jaamacadda Muqdisho ay soo celisay rajadii
ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay arday fara badan ka
qalin-jabiyeen. Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay C/llaahi
Cilmi Ibraahim oo ka yimid dalka Norway-Bergam ayaa sheeagy
inuu ku faraxsan yahay munsaasabaddan qalin-jabinta ah,
isagoo yiri: "Waxaad maanta i tusteen
wax weyn oo aan jaaliyadda Norway aan uga sheekeyn karo."
Ugu dambeyn, hormuudka kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda
Muqdisho, C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan (Weha) oo
munaasabadda ka hadlay ayaa ku ammaanay ardayda
qalin-jabiyay dulqaadkii iyo dhabar-adaygii ay sameeyeen
muddadii afarta sano ahayd ee ay waxbarashada ku jireen,
isagoo kula dardaarmay inay mujtamaha Soomaaliyeed uga
faa'iideeyaan aqoontooda.
Cabdinaasir
Yuusuf Macalin
cnaasir114@hotmail.com
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|