Qurbajoogta reer Hiiraan
siiba kuwa reer Beergadiid Oo Deegaankaasi Ka Bilaabay
Dhismaha Isbitaal
(Beergadiid,
July 27, 2012, Ceegaag Online)
Deegaanka Beergadiid ee waqooyiga gobolka Hiiraan ayaa
waxaa ka bilowday dhismaha Isbitaal uu deegaanku yeesho
kaasi oo ay hirgalinayaan Jaalliyadaha kasoo jeeda deegaanka
ee ku nool dalka dibaddiisa.
Munaasabad lagu dhagax dhigayey Isbitaalkaasi cusub ee uu
yeelanayo deegaanka Beergadiid ee gobolka Hiiraan oo ay ka
soo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu
qabtay deegaankaasi ayadoo dhismaha Isbitaalkana ay dhagax
dhigeen waxgaradka deegaanka ku nool.
Xiireey Rooble oo ka mid ah qurbajoogta reer Beergadiid
ayaa isaga oo ka hadlayey munaasabadda lagu dhagax dhigayey
Isbitaalkan cusub ee uu deegaanku yeelanayo waxa uu ugu
horeyn u mahad celiyey dadka ku deeqay dhulkan Isbitaalka
laga dhisayo waxaana uu dhanka kale tilmaamay in
Jaalliyadahooda gobolkaasi kasoo jeeda ay ka go’antahay
sidii ay u hormarin lahaayeen deegaankooda isaga oo
halkudhigna usoo qaatay”Wax walba oo la isku dayo waa la
qaban karaa”
Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Beergadiid ee gobolka
Hiiraan oo iyaguna dhankooda hadallo ka jeediyey
munaasabadda lagu dhagax dhigay Isbitaalkan cusub ayaa uga
mahad celiyey jaalliyadaha reer Hiiraan tallaabada ay ku
hirgelinayaan Isbitaal uu deegaanku yeesho waxaana ay
tilmaameen in dadka deegaanku baahi weyn ay u qabeen
Isbitaalkaan hada loo dhagax dhigay.
Sawir Qaade: C/shakuur Cismaan Cali
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|