Ra’iisal Wasaare C/weli Gaas oo maanta u dhoofay dalka
Kenya.
(Muqdisho, June 19, 2012, Ceegaag Online)
Ra’iisul Wasaaraha
Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ka
duulay garoonaka diyaaradaha ee Aadan cadde International
Airport ee Magaalada Muqdisho, Isagoo ku wajahan magaalada
Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalinta bari ah shir
looga hadlayo Arrimaha Roadmap-ka ka furmi doono. Ra’iisul
Wasaaraha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya qaar ka
tirsan golahiisa Wasiiradda.
Ra’iisul Wasaare Dr.
Cabdiweli Gaas ayaa warbixin ka bixiyay socdaalkiisa ku
aadan Magaalada Nairobi, Wuxuuna sheegay in socdaalkiisu uu
yahay shir maalinta
bari ah kaga qeyb
galayo saxiixayaashii Roadmap-ka ka furmi doono Magaalada
Nairobi kaa oo lagaga hadlaya arrimaha gedi socodka nabada
ee Roadmapka, iyo Dhameystirka iyo soo afjarida xilliga
Kumeel gaarka ah.
Ra'iisal Wasaare C/weli
ayaa Wuxuuna intaa ku daray in Roadmap-ka uu meel wanaagasan
marayo hormar badana laga sameeyay islamarkaana xusay in
waxyaabaha kale oo ka dhiman la dhameystiri doono, taana waa
mida hadda uu socdaalkeyga ku wajahan yahay sidii loo
dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Roadmap-ka.
Ugu dambeyntii Ra’iisul
Wasaaraha ayaa ku tilmaamay shirka inuu socon doono mudo
labo maalimood ah, wuxuuna xusay inuu rajeynayo iney ka soo
baxaan wax Umadda Soomaaliyeed aayaheeda dan u ah, si
wanaagsan oo guul ahna uu ku dhamaan doono.
–DHAMAAD –
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|