Haweenay 109 jir ah oo ku hamineysa inay uur u yeelato
seygeeda oo 39 jir ah.
(Malaysia, June 05, 2012, Ceegaag Online)
Haweeynay 109
ah oo u dhalatay dalka Malaysia ayaa sheegtay inay aad u
dooneyso in ay mar uun ay caloosheeda galaan ilmo uu aabe u
yahay seygeeda oo da’ ahaan iyada ka yar 70 sanno.
Haweenaydan
oo lagu magacaabo Wook Kundoor ayaa sanadkii 2006 soo
jiidatay saxaafada caalamka kadib markii ay guursatay
Muhammed Musa oo 70 sano ay ka weyntahay ahna 39-jir ayaa
waxa ay u sheegtay jariirada The Star sida ay u dooneyso in
ay maqasho dhawaqa ilmo oo ay dhashay oo gurigeeda ku
ciyaaraya.
Muhammed
Noor Musa ayaa uga faalooday wargeyska The Star in
marwadiisa cadka ah ay mudo sanado ah isku dayaysay in
minkeeda uu galo awlaad ka dhaxbeeranta labadooda hayeeshee
nasiib daro cimrigeeda oo qaatuma ah awgeed aysan suuragal
aheyn in riyadaas ay u rumowdo.
“Bilowgii
guurkeena waxaan ku dadaalnay in ubad uu naga dhax beermo
laakiin da’da xaaskeyga ayaa caqabad noqotay, waayo suuragal
maha in 109 jir ay uur yeelato” Ayuu yidhi Mohd Noor.
Lamaanahan ayaa hada go’aansaday in Ilmo agoon ah ay
korsadaan
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|