Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay islamarkaana ay
ku qalin jebinayeen dufcadii ugu horeysay ee wax ka barata
Jaamacadda Muqdisho faraceeda magaalada Boosaaso ayaa lagu
qabtay xarunta Jaamacadaasi.
Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay
Waalidiin,macalimiinta wax ka dhiga iskuullada iyo
Jaamacadaha ku yaala magaalada Boosaaso iyo Ardayda Qalin
jebineysay oo iyagu ku faraxsanaa qalin jebintan oo aheyd
mirihii guushooda Waxbarasho.
Ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Muqdisho faraceeda
Boosaaso ayaa tiradoodu gaareysaa 150 arday waxaana ay wax
ka barteen kuliyadaha kala duwan ee ay Jaamacaddu ka
koobantahay.
Maamulaha Jaamacadda Muqdisho faraceeda Boosaaso Prof
Aadan Maxamed oo Xafladda khudbad ka jeediyey ayaa ugu
horeyn faah faahin ka bixiyey mudadii ay ardaydan qalin
jebineysay waxbaranayeen iyo heerarkii kala duwanaa ee ay
soo mareen waxaana uu ugu hambalyeeyey sida ay Waxbarashada
ugu soo dhabar adeygeen.
Qaar ka mid ah waalidiinta Ardaydan qalin jebisay oo
iyana Xafladda ka hadlay ayaa Ardayda u hambalyeeyey waxaana
ay maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Muqdisho uga mahad
celiyeen sida ay ardaydooda ugu dadaaleen.
Ardaydan gaaraya 150 Arday ayaa iyagu noqday dufcadii ugu
horeysay ee ka qalin jebisa Jaamacadda Muqdisho faraceeda
Boosaaso waxaana talaabadan ay qeyb ka tahay waxyaabaha
muujinaya horumarka Waxbarasho ee ka jira Dalkeenna maadaama
ay marba marka ka dambeysa sii kordhayaan Ardayda ka qalin
jebineysa Jaamacadaha Dalka.