Kenya
oo maxkamad soo taagtay muwaadin u dhashay dalka
Switzerland.
(Nairobi, June 06, 2012, Ceegaag Online)
Maxkamad ku taala dalka
Kenya
ayaa maanta dhageystay dacwad ka dhan ah muwaadin u dhashay
dalka Switzerland kaasi oo lagu soo oogay danbi ah inuu ka
tirsanyahay ururka Al Shabaab, muwaadinkan u dhashay dalka
Switzerland ayaa ka mid ah ajaaniib maxkamad lagu soo taagay
Kenya bilooyinki lasoo dhaafay iyadoo loo heysto danbiyo
argagixiso ayaa lagu magacaabaa Magd Najjar.
Magd Najjar ayaa waxaa la qabtay bishi lasoo dhaafay iyadoo
maanta maxkamad ku taala magaalada Nairobi lasoo taagay
laguna oogey inuu ka mid yahay ururka Al-shabaab,
abuukaataha Magd Najjar oo lagu magacaabo Edna Khaemba ayaa
sheegtay in laga diiday damiin sidaasi daraadeedna ay
maxkamadu dib u furmi doonto 2-da bisha July ee sanadkan.
Dad badan oo ajnabi ah ayey haatan baadigoobayaan booliska
dalka Kenya kuwaasi oo lagu eedeynayo in ay lug ku leeyihiin
qaraxyada iyo bambooyinka lagu qaadayo magaalooyinka waa
weyn ee dalka Kenya gaar ahaan caasimada Nairobi oo
dhawaanahan ay qaraxyo is daba joog ahi ka dhaceen.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|