Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Odayaasha
dhaqanka.
(Muqdisho, June 06, 2012, Ceegaag Online)
Madaxweyne Shariif Sh.
Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka
Soomaaliyeed ee soo xulaya ergada ansixineysa dastuurka
cusub ee ay yeelandoonto Jamhuuriyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya
ayaa sheegay in odayasaha looga baahanyahay in ay soo xulaan
dad aqoon u leh oo ansaxiya dastuurka si looga baxo
marxalada KMG ah.
Kulankan uu maanta la
qaatay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed Odayaasha Dhaqanka
Soomaaliya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta ay Odayaashu ka
Dagan yihiin magaalada Muqdisho.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|