Maxaa
sii kordhayay dhibaatada lagu hayo suxufiyiinta Muqdisho
xilli uu soo hagaagayso amaanka caasimada.
(Muqdisho, June 09, 2012, Ceegaag Online)
Dilalka qorsheeysan ee lala beegsanayo suxufiyiinta ayaa
sii kordhayay Waqtiyadii ugu dambeeyay xilli waliba isbedallo
nabadeed laga dareemayo Caasimadda Muqdisho kadib markii
laga eryay magaalada maleeshiyaadka Al-Qaaidda (Shabaab)
Wariye Max’ed Shariifka oo ka mid ah wariyayaasha ka
howlgala idaacadda Bar-kulan ayaa shalay kooxo hubaysan waxa
ay ku dhaawaceen agagaarka isgoyska degmada X/jajab ee
Muqdisho xilli uu ku sii jeeday mid ka mid ah Warbaahinnada
halkaasi ku yaala, waxaana rag hubaysan ay la dhaceen Laba
xabadood oo kaga dhacday meel halis ah.
Inkastoo wariyuhu ay xaaladiisa aad u wanaagsantahay
saakay islamarkaana lagu guulaystay qalliinkii lagu sameeyay
ayaa haddana tani waxa ay tahay arrin aan dadka ku cusbayn.
Sanadkan oo kaliya ku dhawaad 10 wariye ayaa lagu kala
dilay magaalooyinka Muqdisho Beledweyn iyo Gaalkacyo, kuwaas
oo aan dhamaantood la ogayn Sababta iyo ujeeddada dilkooda
ka dambaysay, cidina ma sheegan in dilkaasi ay iyadu
fulisay.
Waxaase loo badinayaa kooxaha ficilkaasi ku caanbaxay ee
Shabaabka kuwaas oo si toos ah iyo si aan toos ahaynba u
dilay wariyayaal aad loo yaqaanay, si cad ayeeyna
warbaahinta uga sheegteen, amaba qaarkood waa la garan karay
oo iyaga ayaaba u yeeray, haddana dad ayaa aaminsan in
dilalka wariyayaasha qaarkood ay yihiin kuwa siyaasadeed oo
lagu afduubaayo warbaahinta, inkastoo wararkaasi oo dhan ay
u baahan yihiin caddaymo muujinaya sida ay wax u dheceen
ilaa iyo haddana lama hayo.
Dowladda KMG ah waxa ay ku jirtaa dadaal ku aadan sidii
loo xaqiijin lahaa Amniga caasimadda Muqdisho maaddaama ay
ku guulaysatay in ay ka saarto Maleeshiyadka Al-Qaacidda,
haddana waxa mararka qaarkooda dhaca ficillo dad lagu
dhibaataynaayo gaar ahaan warbaahinta, waxayna dowladdu
sheegtaa in ay wax ka qabanayso inkastoo wali dhacdooyinku
ay taagan yihiin.
Afhayeenka dowladda Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow
waxa uu sheegay in falkaasi lagu dhaawacay wariyahaasi ay
cambaaraynayaan baaritaanna lagu samayndoono sababta iyo
cida dilkaasi ka dambeysa, isagoo falkaasi ku eedeeyay kooxo
uu ku sheegay in markii horaba ay caado u ahayd beegsiga
dadka waxtarka u leh bulshada.
Dad badan waxa ay rumaysan yihiin in warbaahinta Muqdisho
ay mararka qaar kood ka badbadiyaan wax aan jirin sababta
loo beegsanaayana ay sidaasi tahay isla sidaasi oo kale dad
baa qaabo in saxaafaddu kaalin weyn ka qaadato waxyaabo
badan oo bulshada ka daahsoon, lakiin aragtiyahaasi waa
suurtagal ama hal aragti ayaa ka sax ah, waxaase shaki ku
jirin in saxaafadda Muqdisho qaarkood ay horseed u yihiin
colaadaha Soomaaliya, xalkana aad mooddo in xiisad kacday ay
ka jecel yihiin.
Qaar badan oo ka mid ah waxa ay taageeraan shaqsiyaad
qaabkay doonaan haku taageereene taas oo ay ku tilmaameen
dadka shuruucda saxaafadda yaqaanaa kuwa aan warbaahin la
oran karin marka la eego sida ay wax u tabinayaan iyo waxa
ay tabinayaan gaar ahaan shuruucda saxaafada Islaamka waxayna
dad badani leeyiin waa wax ay saxaafadu gacmahooda ku
keensadeen in la beegsado waloow dilkoodu uusan meelna ku
bannaanayn.
Isla Sidaasi oo kale waxaa hubanti ah in ay jiraan
warbaahinno iyo wariyayaal ficiladaasi ka nasahan, kuwaas oo
bulshada u soo gudbiya warar xaqiiqo ah iyo dhacdooyin
taagan, kana shaqeeya horumarka bulshada maalin walba,
Runtuna waxa ay tahay saxaafadu way ku kala duwan yihiin
soo gudbinta dhacdoooyinka iyo sax ahaanshiyahooda haddana
waxa ay ka siman yihiin dhaawaca, dilka, hanjabaadda iyo
ficillada kale ee lagu waxyeeleeynayo amaba lagu
waxyeeleeyay wariyayaal saaxiibadeen ahaa oo si xaq darro ah
loo dilay.
Waxaana dowlada looga fadhiyaa in dambiyadaasi dadkii
galay sharciga la horkeeno lana mar siiyo ciqaabta ay midan
yihiin.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|