MGS ee
Puntland oo u talaabay ku
xulida Madaxdooda dhinaca Xisbiyada Badan
(Garoowe, June 24, 2012, Ceegaag Online)
Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta
ansixiyay xeerka lagu aqoonsanayo xisbiyada iyo tirada
taageerayaasha looga baahan yahay xisbi kasta.
Kalfadhiga baarlamaanka oo maanta ay ka qeyb galeen 40
mudane ayaa 37 mudane waxay u codeeyeen in si loo aqoonsado
xisbiyada in xisbi kasta uu gobol kasta oo ka mid ah
siddeedda gobol ee Puntland ka helo 500 oo qof oo
taageerayaal ah.3 mudane oo diiday xeerkan waxay u codeeyeen
in 1300 oo qof laga dhigo tirada taageerayaasha ee xisbi
kasta looga baahan yahay in uu ka helo gobol kasta.
Tan micnaheedu wuxuu yahay in xisbigii ku guul-darraysta
in gobol kasta uu ka helo 500 oo taageere, uusan u gudbi
karin doorashada golaha deegaanka oo saddexda urur ee ugu
sarreeya ay noqon doonaan saddexda xisbi ee u tartami kara
doorashada baarlamaaanka iyo tan madaxweynaha.
Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed
Xirsi ayaa sheegay in uu ansax yahay xeerkan la xiriira
xisbi samaysashada.Dastuurka ay Puntland yeelatay bishii
April ee sanadkan ayaa qoraya in Puntland ay ka guurtay
nidaamka qabaa’ilka, ayna u guurtay nidaamka xisbiyada
siyaasadeed
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|