Odayada dhaqanku ma ka
badbaadin doonaan Soomaaliya shirqoolada shisheeyaha, mise
sidii baarlamaankii DKM, ayay ugu dambaynta ku dhici
doonaan dabinka beesha caalamka?!!!
(Abu
Dhabi, U.A.E June 04, 2012 Ceegaag Online)
Mahad
iyo amaan Allaah ayaa mudan, oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
naxariis iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka
Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii, iyo mid kasta oo
maray jidkiisii, oo ku hadaysmay hanuunkiisa ilaa iyo
maalinta qiyaamaha, Intaas ka dib:
Qoraalkan waxan qoray intii uu soconaayay shirkii odayada
dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee Istanbuul, waxa aad ii
cajebisay sidii shirkaasu u socday, ee loogu lafa guraayay
arimaha Soomaaliya, iyada oo ay iigu muuqtay in arinta
markan, gacanta loo geliyay dadkii taladu ka go’aysay, iyo
aqoonyahankoodii ahalka u ahaa arimaha siyaasada, waxana aad
isugu qanciyay in wax la mahadiyaa Ka soo bixidoonaan
shirkaas, oo u wada cuntama ummada Soomaaliyeed, qodobada
halkaa laga soo saarona, lagu qaadan doono shirka Istanbuul
dhinaca siyaasada, oo ay ka muuqan doonaan warmurtiyeedka
shirka ka soo bixi doona, sidaas darteed ayaan qoraalkan
joojiyay, anoo isku qanciyay in aanu waqtigan ku haboonayn,
iyada oo aan hawlo kale ku mashquulayna, waxa aad ii dhaafay
wararkii Waqtigii la soo afjaray iyo warmurtiyeedkiisii,
qodobadii ka soo baxay shirka, kuwaas oo aan hada gadaal ka
aqriyay,
Hadaba
sida xaqiiqada ah, waxaa hadheeyay qodobada shirkaa ka soo
baxay, mugdi iyo isburin, kamana duwana kuwii shirkii London
ka soo baxay, oo ay qodobadiisu wada ahaayeen kuwa wada
miinaysan, oo aan ujeedooyinkoodu cadayn, waxaad moodaa in
aan waxba laga qaadan qodobadii Ay soo jeediyeen odayaasha
dhaqanka iyo aqoonyahanadii bulshada rayidka, tusaale ahaan
waxa ka mid ah qodobada, mugdigu ku jiro, oo aanay cadayn
waxa looga jeedaa, amaba marinhabaabinta ah, shirkii London
ka dibna khilaafyo badan, doodo iyo ismaan dhaaf badan,
ummada Soomaaliyeed ka dhex dhaliyay, ee loo baahnaa in
shirkan loogu cadayo ummada waxa looga jeedo, qodobka
sheegaaya: "In Beesha caalamka looga baahan yahay in ay
taageeraan qabsoomida wadahadallada dhexmaraaya DFKGM iyo
Somaliland"!!!! Waa qodob miinaysan!!! oo aan ujeedadiisu
cadayn, shirkii London ka dibna, isqabqabsi, khilaaf,
jaahwareer badan, dagaalo badan, oo dhiig ku daatay, iyo in
qolo waliba sida ay doonto u fasirato, oo siday doonto ugu
andacooto, ayuu sababay, oo dadka Soomaaliyeed ka dhex
abuuray, hadana iyada oo aan arimahaas oo dhami ka
qarsoonayn ka qaybgalayaasha shirka, baa hadana sidiisii
loogu soo celiyay qodobadii ka soo baxay shirkan Istanbuulna!!!
Waxa
kale oo ka mid ah qodobada mugdigu ku jiro, qodobka
odhanaaya: " In la tixgelinaayo madaxbanaanida, sharafta iyo
midnimada ummada Soomaaliyeed"!!! Waa qodob marin habaabin
ah!!! Waa qodob aan xambaarsanayn Wax macna ah haba yaraatee!
Qodobkan wuxuu la mid yahay qodobo badan, oo marin habaabin
ah, oo ka buuxa distuurka cusub, heshiisyada dowlada
Soomaalidu gasho iyo warmurtiyeed kasta oo shirarka
Soomaalida laga soo saaroba!! Waa qodob doqonimagarato ah,
qaabka uu u dhigan yahay, waa qaabka wax lagu khiyaamayo!
Halkii dalka Soomaaliya laga odhan lahaa, baa la yidhi
ummada Soomaaliyeed! Intee wadan bay ummada Soomaaliyeed ku
dhaqan yihiin, oo ay muwaadiniin ka yihiin?!!! Waa maxay
hadalkan madhan, ee korka laynooka dhaldhalaaliyay,ee ah in
la tixgeliyo madaxbanaanida, sharafta iyo midnimada ummada
Soomaaliyeed?!!! Maxaa keenay in la odhan waayo,
madaxbanaanida, sharafta iyo midnimada Soomaaliya?!!! Waa
arin ulakac ah, waa khiyaano cad, oo lala maagan yahay
ummada Soomaaliyeed!! Waa dabin qarsoon, oo ujeeda
wayni ka dambayso!! Waxa kale oo ka mid ah, qodobadaa marin
habaabinta ah, kan odhanaaya: " shirkanu wuxuu hoosta ka
xariiqay in masuuliyada kowaad ee sidii xal loogu heli lahaa
Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalidu, beesha caalamkuna ay ku
taageerayaan"!!! Waa marin habaabin kale, sidee bay taasu u
dhici kartaa, iyadoo aan laysuba ogolayn, Soomaalidu in ay
Mustaqbalkooda kawadatashadaan, oo la kala ilaalinaayo, oo
amaro iyo soo jeedimo ay shisheeye wataan, uun dusha mar
walba lagaga keenaayo, oo lagu amraayo in ay uun fuliyaan
iyagu, ayna ku khasban yihiin in ay sidaas samayaan!!! Waa
maxay macnaha uu samaynaayo hadalkanu, hadii qofkii Soomaali
ah, ee ka hadla khaladaadka faraha badan iyo shirqoolada
wadanka ka jira, lagu Shaambadaynaayo dembiilanimo, oo loo
aqoonsanaayo qaswade, ay tahay in ciqaab la marsiinyo?!!
Waxaa iyana jira qodoba badan oo is burinaaya, oo distuurkii
hala ansixiyo baa la leeyahay, xubnihii ansixin lahaana hala
soo xulo, Soomaalidu in ay arkaan oo ra’yigooda ka dhiibtaan
distuurka, xaq bay u leeyihiin, waa la leeyahay, waa ku
meelgaadh baa hadana la yidhi, distuurka laftigiisa waxa ku
qoran, in Aan mudo todoba(7) sano ah, waxba laga bedeli
Karin!!! Mudadaas oo aan ciyaar ciyaar loo xadidin, bal ay
tahay mudo dadka samaystay, oo dabcan shisheeye ahi, ay ugu
talagaleen in ujeedkii ay lahayeen laga gaadhayo, si kastaba
ha ku gaadheen ee, marka waxay su’aashu tahay waxaas oo
qodobo ah, oo is wada burinaaya iyo waqtigii oo cidhiidhi
ah, sidee laysu waafajinayaa?!!! Maxay se beesha caalamku
ugu Dhegantahay ansixinta distuurkan laga qarinaayo ummada
Soomaaliyeed, oo aan arag waxa la leeyahay distuur buu idiin
noqonayaa, oo aanay asal ahaan iyagu ku heshiin?!!! Waa
maxay khasabkan la doonaayo in si duuduub iyo indha la’aan
ah, lagaga ansixiyo ummada Soomaaliyeed?!!! Dabcan wax la
qariyo qudhun baa ku jira, sacabkana habeenkii lama
garaaceen hadaan xeeladi ku jirin, waxana nagaga filan inta
Yar ee aan ilaa hada ka aragnay. Wax yididiilo gelin kara
Soomaalida, oo ka soo baxay shirkaa, waa xaga dhaqaalaha, ee
ah horuminta kaabayaasha adeega bulshada, iyo in ay Turkiya
noqotay, dowlada loo daba fadhiisanaayo arimaha Soomaaliya,
taas oo mudan in si wayn loo soo dhowayo, waana guul wayn oo
ka soo hoyatay shirkii Istanbuul, waa in Turkiya loo daba
fadhiistaa arimaha Soomaaliya, intii loo daba fadhiisan
lahaaa Talyaani tuug ah, ama Ingriis khaayin ah.
Distuurka cusub iyo Road-map ku waa duulaankii ugu
balaadhnaa ee Soomaaliya lagu soo qaado!!!
Waxaan
shaki ku jirin in distuurka cusub iyo Road-map kuba yihiin,
duulaankii ugu balaadhnaa, oo ilaa hada lagu soo qaaday
Soomaaliya, maaha kii ugu horeeyay, oo 21 sano, ee dowlad
la’aanta iyo ka horba, duulaankaasu wuu ku socday Soomaaliya,
waanaba kan keenay burburka iyo dowlad la’aanta, aan ku jiro
maanta, hase yeeshee kanu waa kii ugu balaadhnaa uguna
khatarta badnaa, waa kii loogu tala galay in Lagu goosto
midhihii shirqooladii iyo duulaanadii hordhaca ahaa, ee
dalka hore loogu soo qaaday, iyada oo loo arkay in maanta
Soomaalida la marin karaayo shirqoolkan, oo ay u bislaadeen,
oo ay is dhiibayaan markan. Iyada oo sida aan hada soo
tilmaamay, duulaanku uu inagu socday mudo dheer, burburka
inagu dhacayna uu sabab u ahaa, ayaa hadana waxaa la odhan
karaa xoogiisu wuxuu bilaabmay ka dib shirkii Carta,
ee lagu soo dhisay dowladii Carta iyo heshiiskii taariikhiga
ahaa, ee ay Soomaalidu halkaa ku gaadhay, taas oo ku timid
maskax Soomaaliyeed, oo ka madaxbanaan fara gelin shisheeye,
iyo dedaalkii uu samayay madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle
khayr Allaah ha siiyee, iyo dhamaanba dedaalkii shacabka
Jabuuti ee walaalaha ah, in kastoo aanu heshiiskaasu si
buuxda u dhamaystirmin, sababo la Xidhiidha beesha
caalamka, oo ku dhiirigelisay dagaal oogayaashii wadanka
intiisa badan ka talinaysay, in aanay ka qayb gelin
heshiiskaa, bal ay ka soo horjeedsadaan, iyo weliba dowladii
Carta lagu soo dhisay, oo gabtay hawlihii loo soo igmaday,
oo ay noqotay mid iskhilaafis, sedbursi, qabyaalad, nin
jeclaysi, musuq maasuq iyo waxqabad la’aani ragaadiyeen,
hadana waxay wel wel iyo baqdin ku abuurtay Beesha caalamka
iyo dowladaha deriska ah, oo aan marna doonayn, in
qaranimadii iyo karaamadii Soomaalidu soo noqoto, waxay isla
markiiba arkeen, oo yaqiinsadeen, in ay Soomaalidu dhabihii
saxda ahaa, ee xal u helida mushkiladooda cagta la heleen,
ayna sixi karayaan, waxa ilaa hada ka xumaaday iyo waxa
dhimanba, waxayna goosteen in arintaa la is hortaago, oo aan
Soomaalida kelidood laysu dayn, Sidaas ayuuna ku yimid
shirkii Embigathi, ee ay beesha caalamku ugu qabatay
Soomaalida dalka Kenya, kaas oo lagu soo dhisay DKM ah, ee
dhowrka goor hada is bedbedeshay, sida dhabta ah shirkii
Embigathi wuxuu ahaa afgembi iyo mijaxaabin, lagu samayay
dedaaladii shirkii iyo heshiiskii taariikhiga ahaa, ee Carta
iyo dowladii halkaa lagu soo dhisayba, waxayna goosteen:
(A) in
aan Soomaalida dib loogu ogolaan In ay kelidood shirwayne
qabsadaan la mid ah kii Carta,
(B) in
la burburiyo dowladii Carta iyo dhamaan dedaaladii halkaa
lagu gaadhay,
(C) in
aan dib Soomaalida loogu kala dhex bixin, sidii shirwaynihii
Carta, bal shir walba, oo loo qabto ay ku dhex jiraan, oo
maamulayaan beesha caalamka iyo dowladaha derisku,
(D) in
waxyaabaha lagaga doodaayo, shirka kasta oo Soomaalida loo
qabto, ay ahaadaan qodobo Ay beesha caalamka iyo dowladaha
derisku u soo jeediyeen,
(E)
iyo in waqtiga had iyo jeer lagu cidhiidhyo, si aanay fursad
ugu helin in ay ka baaraan degaan, arimaha laga doonaayo in
ay fuliyaan, welibana hanjebaado loogu daro, si ay si
duuduuba isaga qaataan arimaha markaa debeda looga keenay,
hadaba markii laga arkay in Soomaalidu arimahaa qaadanayaan,
dhowr arimood oo aad u dhiiri geliyayna Ay Soomaalida ka
arkeen, oo ay hore ugu jitaabiyeen, bal inay ogaadaan
falcelintood ku jihaysan, ayaa keentay in si badheedh ah
manta, loogula soo dhiirado distuurka cusub, oo shisheeye
iyo dowladaha derisku gacantooda ku soo qorteen, oo dhab
ahaan ah kii wadankaba lagula wareegi lahaa, in dusha lagaga
keeno oo la yidhaahdo khasab ku ansixiya, dhowrka arimood ee
sharci darada ah, ee dhiiri geliyay, Oo ay hore ugu
guulaysteena waa:
(A)
iscasilaadii Cabdullaahi Yuusuf dusha lagaga keenay, ee
sharci darada ahayd, ee uu isna sida fudud u qaatay, oo u
fuliyay, iyo sida ay Soomaalidu u qaateen, oo u aqbaleen
sharci daradaa, iyo wixii ka dambeeyay, ee ahaa in
baarlamaanka xubnihiisa si khasab ah lagu laban laabo, oo uu
weliba keensado Shiikh Shariif oo ay wateen, dhamaam
xubnahaa lagu kordhiyay Baarlamaanka si ay isaga codka u
siiyaan!!! Maxaa laga dheefay dowlada Shiikh Shariif, dabcan
waa musiibo tii ugu waynayd, iska dhaaf wax kale oo, waa
kuwaa maalin walba loo soo xambaarinaayo shirqoolada, lala
doonaayo dalka iyo dadkaba, waa kuwaa looga taag la’yahay,
ee wareejinaaya, oo iibinaaya hantidii ma guurtada ahayd ee
ummada, ee badii iibinaaya, oo dhulkii iibinaaya, ee hustaa
iyo Yurtaa uun aynu ka hayno, oo laga ilaalinayo mustaqbalka
iyo aayaha ummada,
(B)
waa heshiiskii xaaraanta iyo baadilka ahaa ee Kambaala, iyo
iscasilaadii dusha lagaga keenay Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo, ee uu ugu dambayntii aqbalay, iyadoo weliba
dhawaaqyo badan uga yimaadeen shacabka qaybihiisa kala duwan,
lagaga codsanaayo in aanu fulin iscasilaadaa sharci darada
ah, iyo ansixintii Baarlamaanka, ee heshiiskaa baadilka ah,
ee Kambaala, ansixintiisa oo lagaga iibsaday lacag!!! Taas
oo iyana markii dambe soo afjartay jiritaankoodii, karis xun
iyana ku wax la’!!!, arimahaas iyo kuwa kale, ayaa sababay
in maanta lagula soo dhiirado Soomaalida, oo la yidhaahdo
khasab ku ansixiya distuurkan cusub, ee u adeegaaya danaha
shisheeyaha, waxaynu barnay in aynu aqbalno sharci darada,
iyana waxay goosteen, in ay inagu maamulaan sharci daro,
khasab, qarjajac iyo baqdin gelin
Doorka looga fadhiyo odayada dhaqanka iyo waajibka ka saaran
badbaadinta aayaha ummada.
Haya’ada odayaasha dhaqanku, waa haya’ada bulshada ugu
saraysa, waa tan ay Soomaalidu ugu qaderinta iyo ixtiraamka
badan tahay, waa haya’ad soo jireen ah, oo weligeedba marjac
u ahaan jirtay, xalinta khilaafaadka, dagaalada iyo dhib
kasta oo ka dhex dhacda bulshada, waa haya’ada keli ah ee
aan kow iyo labaatankaa ee dalku burbursanaa, marna loo
adeegsan xalinta dhibaatada Soomaalida guud Ahaan, marka
laga reebo shirkii Carta, oo ay si mug leh uga soo qayb
galeen, waana tan u sabab ah, in shirkaa guula waawayn laga
gaadho, waxay kaloo doorka ugu muhuumsan ku lahaayeen,
dhismihii labada maamul, ee Puntland iyo Somaliland, in
kasta oo labada maamulba markay cagaha isku taageen, daaqada
ka tuureen odayadii dhaqanka iyo doorkoodiiba, hadaba
haya’adan qaderinta iyo karaamada ku Dhex leh bulshada,
waxay is tuseen beesha caalamka iyo dowladaha derisku, in ay
markan u adeegsadaan iyaga, waa odayaasha dhaqanka ee,
shirqooladooda kama dambaysta ah, oo ay danahooda guracana
ku gaadhaan, iyana shaadhkooda wasakheeyaan, iyada oo la
rabay in ay si duuduub iyo indha la’aan ah, iyaga oo aan
arag, waxana kala socon, gudi ugu soo xulaan ansixisa,
distuurkan shisheeyuhu soo Samaystay, ka dibna ay soo
xulaan baarlamaan magac uyaal ah, dabadeedna ay iyaga hadhow
daaqada ka tuuraan, ilaa ka gaadhe danahoodii ee, hase
yeeshee odayadii dhaqanku taa ilaa hada waa ka caga jiideen,
waxayna dalbadeen in iyaga markan arimahaa looga dambayo,
distuurka la sheegayona horta iyaga loo soo bandhigo, oo ay
ka baaraandegaan, oo ka fiirsadaan, dabadeedna haduu mudan
yahay, ay cid ansixisa U soo xulaan, arintaasu dhabar jab
ayay ku noqotay shisheeyihii shirqoolka watay, iyo kuwii u
adeegaayayba, xog kama hayo intii odayada dhaqanka Turkiga
loo qaaday, halkaas oo ay fursad u heleen inay ku shiraan oo
kaga doodaan xaalada dalkooda ee cakiran, waxan se leeyahay
odayada dhaqanka ku adkaysta, mowqifkiina saxda ah, wadankan
haya’adii ugu saraysay baad tihiin, waxaad tihiin kuwa ay
Bulshadu ugu qaderinta iyo ixtiraamka badan tahay, sidaas
darteed ha u loogina dadka iyo dalka shirqoolada cadawga,
waa in aydaan fulin, oo ansixin, wax aydaan ka fiirsan, oo
ka baaraandegin, si kasta ha la isugu dayo in laydinku
khasbo ee, in aynu gacanteena isku gowracno, oo laydiin
adeegsado baabi’inta ummadiina, waxa ka roon in layna
qabsado, oo xoog layna kaga qaado, waxa la doonaayo in
Khiyaamo laynakaga qaado, isku xoojiya aqoonyahankiina
kowooda caafimaadka qaba, culimadiina, siyaasiyiintiina iyo
waxgaradkiina, si aad tala toosan oo sax ah, iyo xal ugu
heshaan arimaha dalkeena ee murugsan, haday noqoto, oo aad
dowlad Soomaaliyeed dhistaan, u doorta dadkii ahalka u ahaa,
ee khibrada u lahaa maamulka iyo dowladnimada, naga fogeeya
inamada yar yare e shahaadadaha la Ordaaya, ee aan garanayn
hadana, in ay yihiin madaxdii qaranka, bal se moodaaya in
Mahiga, Zinawe iyo Mousevine ay iyaga madax u yihiin, ee u
kala dheeraynaaya raaligelintooda, maalin walbana inoo soo
xambaaraaya shirqoolo laynagu hagardaaminaayo, oo uu
shisheeye wato.
Doorka Turkigu waa muhiim, mudan in aan ka faa’iidaysano.
Dowlada Turkigu, waa dowlad wayn oo muslim ah, waa dowlad ku
milan, oo ku dhex jirta, dowladaha reer galbeedka,
difaacoodana door muhiim ah ku leh, waa dowlada leh
ciidamada ugu tirade badan, ee gaashaan buurta NATO, waa
dowlad leh shaqaale aad u tira badan, oo xirfad yaqaan ah,
ayna si xoog leh ugu tiirsan yihiin wadamada reer galbeedku,
gaar ahaan wadamada Yurubta galbeed, waxay aduunka ka
Hirgeliyaan mashaariic aad u waawayn, oo lagu tiriyo kuwa
ugu tayada fiican, waana dowlada 16 aad, ee aduunka ugu
dhaqaalaha wanaagsan, hadaba dowlada Turkiya, maanta waa
inoo soo gurmatay si walaaltinimo ah, inagoo aduunka ka
waynay mudadaa dheer, ee dalkeenu burbursanaa, walaal iyo
saaxiib toona, oo inoo soo gurmada, sidaas darteed waxaa
waajib ah, in aynaan dayicin taageeradaa iyo gacantaa Ay
maanta inoo fidiyeen walaaleheena Turkigu, oo aan ka
faa’iidaysano, iyana inaga faa’iidaystaan mustaqbalka marka
dalkeenu hagaago, intii ay inaga faa’iidaysan lahaayeen
Talyaani tuuga ah, ama Ingriis khaayiniin ahi, xataa dhinaca
difaaca wax wayn bay inaga tarayaan, hadaynu inagu diyaar u
nahay, oo ku wacyi qaadano waxa hareeraheena ka socda,
hadaynu se inagu soo xambaaranayno shirqoolada caalamka, dee
dowlada Turkiyana waxba inooma qaban karto, oo iyaba way
xadidan yihiin, waxyaabaha ay kaga hor imaan karto dowladaha
reer galbeedka ah, ee waawayn, ugu dambayntii waxaan
qoraalkan ku soo afmeerayaa, inaan ku faraxsanahay
taageerayona doorka Turkiga ee Soomaaliya, iyo in ay noqoto
dowlada Turkigu tan loo daba fadhiisanaayo arimaha
Soomaaliya, inana Allaah tacaalaa ha inaga yeelo kuwii garta
ee ka faa’iidaysta, muhiimnimada doorka Turkiga ee
Soomaaliya.
Wabillaah atowfiiq
Ciise
Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com
Xasuusin:
Bayaankan Mas'uul kama ahan Shabakada
Ceegaag.com
ee kala xiriir Shaqsiga soo qoray.
webmaster@ceegaag.com |