Guddoomiyihii sadexaad ee
Baarlamaanka Soomaaliya oo Nairobi ku geeriyooday iyo
taariikh nololeedkiisa oo kooban
(Nayroobi, June 12, 2012, Ceegaag Online)
Allaha
u naxariistee Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen ayaa ku
geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee wadanka
Kenya, halkaasi oo howlo caafimaad uu u tegay kaddib markii
ay soo wajaheen cudurro kala duwan.
Guddoomiyihii ugu horeeyay Golaha Baarlamaan uu yeesho
wadanka Soomaaliya ayaa xanuuno kala duwan oo hayay
maalmihii ugu dambeeyay loogu dabiibayay magaalada Nairobi
ee wadanka Kenya, waxaana geerida Sheekh Muqtaar Maxamed
Xuseen tacsi u diraya madax ka tirsan Dowladda KMG ah.
Xildhibaan Xaaji Shukri oo iminka ah ninka ugu da'weyn
Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si gaar ah tacsi ugu
diray ehelada Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen, isagoona si
kooban uga hadlay taariikhda Sheekha uu ku lahaa dalka
Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Allaha u naxariistee Sheekh Muqtaar uu
ahaa shaqsi door firfircoon ku lahaa asaaska Xisbiyada
xornimada dalka u halgamayay, sida SYL iyo xisbiyo kala
duwan oo dhammaantood ka qeyb qaatay halgankii dalka loga
xoreynayay gumeysigii dalka soo maray.
Dhinaca kale Shariif Xasan Sh. Aadan iyo madax kale oo ka
tirsan Dowladda KMG ah ayaa iyana ka tacsiyeeyay geerida ku
timid, iyagoona caddeeyay inuu ahaa shaqsi taariikhda
Soomaaliya ay xusi doonto doorkii uu ku lahaa, isagoo noqday
Guddoomiyihii ugu horeeyay Dowlad ay yeelato Soomaaliya.
Haddaba Taariikhda Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen waa tan
hoos ku qoran:-
SHEEKH MUKHTAR MAXAMED XUSEEN wuxu ku dhashey gobalka BAAY
gaar ahaan tuulada lagu magacaabo CAASHO GAABO oo 12km u
jirta magaalada baydhabo dhalashadiisa waxay ku beegan tahay
xiligii la,unkayey ama lasoo degeyey magaalada BAYDHABO sida
uu ii sheegey sh mukhtar taariiq ahaana waxay ku aadaneyd
1912kii.
SHEEKH
MUKHTAR wuxu kubarbaarey gobolka BAKOOL ilaa uu kaxifdiyo
114 Qur,aanka kariimka ah kama harin inuu daalacdo cilmiga
Diiniga ah wuxu si qoto dheer u darsey barashada Diinta
islaamka qeybaheeda kala duwan taasi oo heer sare ka gaarey
una keentay magaca sharafeedka SHEEKH.
GANACSIGA
daraasadkii diiniga ahaa markuu ka aflaxay SHEEKH MUKHTAR M
XUSEN wuxu u weecdey tijaaro ama ganacsiga asagoo ka furey
goobo ganacsi magaalada xuddur ee gobolka bakool dadaal
dheeri ah iyo agaasin wanaagsan waxa u tarmey ganacsigii
waxana u suurtowdey inuu kafuro xarumo kale oo tijaaro
magaalda BAYDHABO taasi oo sababtey iney isku xirmaan
ganacsigiisa gobolada BAY iyo BAKOL oo waqtigaasi la isku
oran jirey jubbada sare(upper jubba).
SHEEKH MUKHTAAR ayaa wuxu huwanaa laba shey oo bulshada
dhexdeeda ku qaali ahaa waxaa kamid ah asagoo ah shaqsi laga
helo cilmiga diiniga ah iyo tijaaro sare na ku lahaa gobolka
waxayna dhaxal siisey inuu noqdo qof caan ku, ah bulshada
waxayna u arkeen beesha uu kasoo jeedey ee HADAME qof muhiim
u ah huogaaminta beesha waxa loo doortey MALAAQA HADAME AMA
UGAAS wuxuna wajahayey howlaha garsoorka iyo ku hogaaminta
dowga toosan
KUBIIRISTII SIYAASADA
mudo markuu ahaa MALAAQA HADAME ayaa dhinaca kale waa
kajirey dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo looga hortagayey
gumeystihii TALYAANIGA oo xukumayey koonfurta SOOMAALIYA .
1943di ayaa la,aas aasey ururka dhalinyerada soomaaliyeed
SOMALI YOUTH LEAGUE ((SYL) iydoo markii hore loogu wanqaley
magaca SOMALI YOUTH CLUB(SYC) mudo kadib ayaa loo bedeley
magaca SYL waxa iska lahaa fikirka dhisida 13 dhalinyero
soomaaliyeed oo isu arkey samata bixinta dadka iyo dalka
SOOMAALIYA isla markii waxa balaartey ururka SYL SHEEKH
MUKHTAR M XUSEEN oo xiliga kusugnaa magaalada XUDDUR kuna
dhexjirey howl maalmeedkiisa ayaa ururka dhalinyerada SYL u
igmadeen inuu SH MUKHTAAR qeyb lexaad leh kaqaadan karo
kaxuroobida gumeystaha TALYAANIGA wuxuuna kamid noqdey SYL
xubin kamid ah ee u joogta gobolka JUBBADA SARE(UPPER JUBBA)
.
markii loo gudbey nidaamkii dowliga ahaa wuxu noqdey
xildhibaan kasoo gala JUBBADA SARE iyadoo loo sheegey SH
MUKHTAAR oo waqti galabo labo jago isku hayey inuu mid uu ku
ekaado MALAAQNIMO AMA XILDHIBAAN wuxuna doortey
xildhibaanimo tasi oo ah howl QARAN kana balaaran mida
beesha intaa wixi kadanbeeyey SHEEKH MUKHTAAR M XUSEEN
lugaha ayuu lagaley siyaasada dalka SOOMALIYA.
markii la,dhisey dowladii ugu horeysay ee loo dhiso
soomaaliya oo hoos imaaneysay gumeystihii TALYAANIGA ra,isul
wasaare ka,ahaa MARXUUM CABDULLAHI CIISE MAXAMUUD waxa
ladhisey dowlada 29 febraayo 1956dii SHEEKH MUKHTAAR ayaa
waxa uu ka,noqdey kuxigeenka WASIIRKA CADAALADA mudo kadibna
wuxu nasiib u heley inuu noqdo wasiir buuxa isla wsaarada
garsoorka wasirka cadaalada dooorashadii labaad ee ku
loolameen labada MARXUUMADA CABDULAHI CIISE iyo MAXAMED XAJI
IBRAHIM CIGAL dib ayaa loo doortey SHEEKH MUKTAAR.
XURAYADII KADIB
1964tii sheekh mukhtar maxamed xuseen waxa loo magacaabey
afhayeenka baarlamaanka soomaaliya xukumadii uu madaxweyne
ka,ahaa Aadan Cabdulle Cusmaan tirada xildhibaan ee SH
MUKHTAR u ahaa afhayeenka ayey ahyed 123 kursi oo xiliga
kakoobna BAARLAMANKA SOOMAALIYA wuxu xilka hayey shan sano.
1967dii codeyntii madaxtinimo dhexmartey AADAN CADE iyo
C/RASHID CALI SHARMARKE guuleysteyna C/RASHIID CALI
SHRAMARKE wuxu si nidaam ah isugu duwey doorashada oo
la,ogyahay si dumuqaraadiga ah u dhacdey waxa kamarnaa isqab
qabsi eex iyo dood.
Sikastab SH MUKTAR M XUSEEN oo uu weheliyo C/RASHIID CALI
SHARMARKE oo aha madxweynihii Soomaaliya ayey waxay booqasho
ku aadeen magaalada LAASCAANOOD taariiqdu markey aheyd 5tii
OKTOBAR 1969 marki ay gaareen magaalada LAASCAANOOD waxa
kadhacay halkaasi arin aad looga naxay laguna arag taariiqda
umada Soomaaliyeed mid kamid ahaa ilaalada gaarka aha
madaxweyne C/RASHIID ayaa wuxu toogtey madaxweynaha oo
xilaga isla taagnayeen SHEEKH MUKTAR M XUSEEN aaney jirin
cid u dhaxaysey xabada marka ay haleeshey alle
ah,unaxariistee C/RASHIID waxa ka horeeyey isku dey dil oo
loo dhigey BOMB gaarigii agtiisa.
1968tii waxba kuma noqon waxaa goobta kasoo xanbaarey meydka
C/RASHIID afhayeenkk baarlamaanka SHEEKH MUKHTAR wuxuna ka
qeyb qaatey aaskii qaran ee loo sameeyey maalinka ladiley
waxa aheyd 5tii oktobar 1969 ilaa 21oktobar xilka
madaxweynimo waxa hayey si kumeel gaar ah SHEEKH MUKHTAR.
21,oktobar 1969kii afganbi lagu magacaabey INQILAAB AAN
DHIIG KUDAADAN ayaa kula wareegen awoodii dalka ciidamadii
meiteriga soomaaliya oo hogaaminayey MARXUUM MAXED SIYAAD
BARRE oo isla markiib kudhawaaqey dowlad taasoo loo diidanaa
in Digilmirifle ay noqdaan Madaxweyne qaran oo
umadahogaamiya.
intaa kadib maamulkii cusbaa ee meliteriga ahaa wuxu guda
galey inuu xir,xiro madaxdii dowlada uu inqilaabey waxyna
noqdeen qaar uu xiro iyo kuwa kale XABSI GURI ayaa lagu
xukumey SHEEKH MUKHTAR iyadoo lasoo agdejiyey ciidan ilaalo
ah oo ilaaliya dhaq,dhaqaaqa siyaasadeed ee SH MUKHTAR.
wixi kadanbeeyey xukunkaasi wuxuu u badnaa gurigiisa
da,adiisa oo hore ubadatey awgeed SHEEKH MUKHTAR MAXAMED
XUSEEN wuxu noqdey howl gab intii mudo aheydn waxa uu
kunoola magaalda MUQDISHO iyo BEER uu kulahaa GOBOLKA SH/HOOSE
ayuu u dhaxeeyey hadana wuxu kunool yahay wadanka KENYA
magalaada NAIROBI oo uu maanta ku geeriyooday.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|