Shirkii London uga socday Dowladda Soomaaliya iyo maamulka
Somaliland oo lasoo gabagabeeyay.
(London, June 21, 2012, Ceegaag Online)
Waxaa maanta lasoo gaba
gabeeyey shirkii magaalada London uga socday dowlada KMG
Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland. Shirka oo
mudo laba maalin ah uga socday duleedka magaalada London
wafdiyo ka kala socday labada dhinac ayaa waxaa laga soo
saaray qodobo hordhac ah oo ay ku sheegeen inuu gogol xaar u
yahay kulamo kale oo ay yeelandoonaan.
Qodobada ayaa waxay kala ahaayeen sidan:-
1-In labada madaxweyne
si dhaqso leh isu arkaan si ay usii wadaan wada hadalka
labada dhinac u bilowday.
2- In wada hadalada
labada dhinac ay sii socdaan oo lasii amba qaado si looga
midho dhaliyo.
3-In leyska kaashado la
dagaalanka argagixisada iyo burcad badeda iyo in laga
hortago sunta warshadaha ee maraakiibta shisheeye ku
daadiyaan xeebaha Soomaaliya.
4- In la sameeyo qubaro
xaga qaanunka oo ay ugu yeertaan labada dhinac xaga la
tashiga sharciyada.
5-In ay ka wada shaqeyn
doonaa kaalmada xaga bani,aadanida si loo gaadhsiiyo dadka u
baahan iyo in beesha caalamka ay soo kordhiso kaalmooyinka
xaga bani,aadanimada iyo xaga horumarinta.
6-In ay taageersanyihiin
xiliga KMG ah si loogaga gudbi lahaa arintaasi.
Waa marki ugu horeysay
oo ay Dowladda Soomaaliya iyo maamulka la magacbaxay
Somaliland
si toos ah isu soo hor fadhiistaan, waxaana dhamaan shacabka
Soomaaliyeed ay ku tilmaameen wada xaajoodkan kuwo muhiim ah
oo loo qaaday xaga horumarka.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|