U Codayntii madaxwayne ee
reer Masar oo uu ku guulaystay
Maxamed Morsi
(Nayroobi, June 21, 2012, Ceegaag Online)
Siyaasiga Maxamed Morsi ee ka tirsan xisbiga Islaamiga ah
ee Ikhwaanu Muslimuun ayaa ku guuleystay doorashada
madaxtinimada dalka Masar oo dowlad KMG ah ay ka talineysay
wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray madaxweynihii
hore Xusni Mubaarak.
Guddiga doorashada ee dalka Masar ayaa ku dhawaaqay in
Maxamed Morsi uu helay in ka badan 13 milyan oo cod oo ka
tirsan 26-ka milyan ee Masaarida codkooda dhiibatay, taas oo
u dhiganta 51 boqolkiiba, halka ninka la tartamayay Axmed
Shafiiq oo ra’iisul wasaare ka ahaa xukuumaddii Xusni
Mubaarak uu helay in ka badan 12 milyan oo cod.
Guddiga doorashada waxay sheegeen in 800 oo kun oo ka
tirsan codadka dadka in cillado loo joojiyay.
Labada musharrax ayaa mid kastaba waxa uu sheegay inuu ku
guuleystay xilka ka hor ku dhawaaqista natiijada ee guddiga
doorashada Masar.
Mas’uuliyiinta Masar ayaa heegan ku jiray ka hor ku
dhawaaqista natiijada doorashada madaxtinimada, waxaana
cabsiga ugu weyn ay aheyd in uu guuleysto Axmed Shafiiq,
taasoo laga walwalsanaa inay rabshad ka dhalato.
Ceegaag@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com
|