Ra'iisal
Wasaaraha Ethiopia Ato Meles Zenawi iyo
Madaxweyne Sheekh Shariif oo Addis Ababa ku
kulmay.
(Addis Ababa, March 14, 2012 Ceegaag Online)
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi ayaa
xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Soomaaliya
Shariif Sheekh Axmed iyagoo ka wada hadlay
arrimaha siyaasada iyo ammaanka ee dalka
Soomaaliya.
Kulankan oo qaatay muddo saacadoodo ah ayaa labada
Mas’uul waxay uga horeyn ka wada hadleen sida ay u
socdaan howl galada ay hormuudka ka yihiin
Ciidamada Itoobiya ee koonfurta Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday Ra’iisul
Wasaaraha Itoobiya Ato Meles Zenawi inay sii
wadaan taageerada Ciidamada Itoobiya ee ku aaden
sidii Ciidamada dowladda KMG ah gacan ugu siin
lahaayeen in Kooxda Al-Shabaab laga saaro guud
ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa
dhankiisa ka balanqaadey in ay wadidoonaan
howlgalada ay geeska Africa uga saaridoonaan waxa
uu ugu yeedhay Al-qaacida-da Afrika.
Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa la filayaa
inay isla maantaba dib ugu noqdaan Magaalada
Muqdisho, iyadoo kulankii xalay uu ku soo
dhamaaday jawi is afgarad oo la xiriiray dhamaan
qodobadii laga wada hadlay.