Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka
Arizona ee dalka Mareykanka oo tacsi udiraya
dhamaan Umadda Soomaaliyeed iyo eheladii
Marxuum
C/laahi
Yuusuf Axmed
(Phoenix, Arizona March 26,
2011
Ceegaag Online)
A R I Z O N A
2425 E. THOMAS ROAD – Suite 10/12- PHOENIX, AZ
85016
Ph: (602) 522 2100; Fax (602) 667 9700
www.somaliunitedcouncil.org
GEERI MURUGO LEH:
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAJICUUN
Anigoo matalaya Golaha Somali American United
Council iyo Jaaliyada Somaliyeed ee Arizona
deggan ayaan annagoo ka wada tiraanyeysan tacsi u
gudbineynaa Marwo Xaawa Cabdi, ubadka iyo ehelada
uu ka baxay marxuum Madaxweyne Cabdullahi Yusuf
Axmad, iyo dhammaan Ummada Somaliyeedba.
SomaaliWeyn, halkaa waxaa kaga baxay halyey aad u
qiime badan, waxqabad horumar tiigsanayay iyo Dal
jeceylna lagu xasuusan doono. Ummaddoo idilna way
ogtahay, Tariikhduna way bandhigi doonta
sifooyionka xussida mudan ee uu ku can baxay, ayna
ka mid tahay Wadaninimadisii la hubay,
Gesinimadiisa u horseeday qaadashada go’aanno adag
iyo Dacaadnimadisii uu marwalba Danta Guud uu ku
saleynayey araadiisa horumarineed.
Ummadda Somaliyeed waxay ku xasuusan doontaa
marxuum Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmad qisadii
“GALDOGOB” ee uu halyeygu 1986 ku waayay
xornimadiisa. Xasuus aan marnaba la illaawi Karin
waa tanaasulkisii aarnimo ee uu Danta Guud uga
tanaasulay xilkii sida xalaasha ah loogu doortay,
isagoo tixgelinayey xaalada, marxalada iyo
duruufaha markaas abuurmay.
Waxaanu Eebaha-Weyn ka baryeynaa inuu marxumkaas
Janna Fardowsa ka waraabiyo, xaaska, ubadka,
ehelada iyo dhammaan Ummadda Somaliyeedna Samir
iyo imaan innaka wada siiyo. “ Amiin”
Prof. Mohamed Ali Abukar
Founder & President
SOMALI AMERICAN UNITED COUNCIL AZ
webmaster@ceegaag.com
|