Wasiirka
Waxbarashada ee Gobolka Alberta Thomas Lukaszuk
oo booqday xarunta ururka SCERDO.
(Edmonton, March 10, 2012 Ceegaag Online)
Wasiirka Waxbarashada ee Gobolka Alberta Mudane
Thomas Lukaszuk
ayaa kormeer shaqo ah ku yimid
xarunta ururka Soomaalida ee SCERDO. Mudane
Thomas Lukaszuk
waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan
howlwadeenada ururka SCERDO iyo dhalinyarada
tababarku uga socdo xarunta SCERDO, waxaana
warbixin kooban oo ku saabsan howlaha ururka
SCERDO kusiiyay wasiirka, gudoomiyaha gudiga
fulinta Bashiir Haji Cali (Jamaal) isagoo uga
waramay mashaariicda ururka ay ka fuliso Dalkan
Canada gaar ahaan magaalada Edmonton.
Waxaa kaloo wasiirku warbixin ka dhageystay
Dhalinyaro tababar shaqo xirfadeed ah uga socdo
xarunta ururka SCERDO, wasiirka ayaa balan qaaday
inuu wax la qabandoono ururka SCERDO isla markaana
u balanqaadey ka Gobol ahaan inay ka qaybqaadan
doonaan tababarada noocaan oo kale ah ee la siiyo
Dhalinyarada iyo dadka waa weyn. Wasiirka ayaa
ardayda ku booriyay in ay ka faa'ideystaan bay'ada
ay yimaadeen ee cusub waxbarashadoodana sii wataan.
Mudane
Thomas Lukaszuk
ayaa ku amaaney ururka SCERDO mashaariicdii wax ku
oolka ahayd ee wax lagaga qabanayay Soomaalida ku
nool Gobolkan Alberta gaar ahaan magaalada
Edmonton.