shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

AADAABTA CUNTADA IYO CABITAANKA ISLAAMKA

(San Diego  March 26,  2011 Ceegaag Online)

Diinta Islaamku waa diin kaamil ah oo dhammaystiran waxayna ka hadashay waxkasta oo nolosha ku saabsan. Ujeedada iyo hadafka diinta Islaamku waxaa weeye in nolosha qofka muslimka ahi ku dhisnaato wuxuu Alle ku soo dejiyey Rasuulkiisii Muxamamd, sallalaahu calayhi Wasallam (scw). Akhriso aayadda lambar 7 ee ku jirta suurat al-Xashar ee tarjumadeeda afka Soomaaligu tahay $B!H(BWuxuu Rasuulku dadka faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana, ka hadhaan$B!I(B. Rasuulkii Alle, (scw) wuxuu ina baray aadaabta iyo hab dhaqanka ku saabsan marka wax la cunayo iyo marka wax la cabayo.

1.. QUUD XALAAL AH CUN

Alle wuxuu addoomihiisa u banneyey inay cunaan quud ama cunto xalaal ah. Sida diinta Islaamku qabto, risiqa ama quudka xalaasha ahi waa mid lagu kasbaday si sharciga waafaqsan, cunistiisuna ay sharciga waafaqsan tahay. Alle wuxuu mu$B!G(Bminiinta faray wax la mid wuxuu faray rasuuladii uu soo diray. Akhriso aayadda lambar 172 ee ku jirta suurat al-Baqarah ee marka afsoomaali lagu tarjumo macnaheedu yahay $B!H(BKuwa xaqa rumeeyow wax ka cuna waxa wanaagsan ee aanu idinku arsaaqay, kuna mahadiya Eebe haddaad tihiin kuwo isga caabuda.$B!I(B Akhriso aayad lambar 51 ee ku jirta suurat al -Mu$B!G(Bminuun ee Alle ku yidhi$B!I(BRasuulow wax xalaal ah cuna, wanaagna fala, Anigu waan ogahay waxaad falaysaan.$B!I(B Markaa waxaa ku waajib ah qofkasta oo Muslim ah inuu wuxuu cunayo iyo wuxuu cabayo ku koobo wax xalaal ah oo fiican.

2. BISINKA KU BILOW

Qofka Muslimka ah waa inuu had iyo jeer ama markasta noloshiisa Alle ku xidho oo weydiisto oo ka codsado hanuunin iyo hagis. Rasuulkana waxaa caado u ahayd inuu cuntada iyo cabitaanka ku bilaabo magaca Alle oo dhaho bismilaahi. Hadduuse qofku hilmaamo ama ilaawo inuu bisinka ku bilaabo ha dhaho waxaan ku bilaabay kuna khatimay magaca Alle.

3. ALLE U MAHAD CELI CUNIDDA KADIB

Ruuxa Muslimka ahi siduu cuntadiisa ugu bilaabay bisinka ama magaca Alle, haku khatimo inuu Allehii cuntadaas ku arsaaqay u mahad celiyo.

4. CUNTO XALAAL AH CEEB HAKA SHEEGIN

Ruux kastaa wuxuu leeyahay jamasho iyo rabitaan cunto isaga u gaar ah. Waxaa jirta in ruux kastaa naftiisu jecashahay cunto gaar ah, cunto kale oo xalaal ahna ay iska necebtahay sababtoo ah waa cunto naftiisu u baran. Hadday jirto cunto xalaal ah laakiinse qofka Muslimka ah naftiisu diidantahay, waa inuusan ceebayn, qofka cunayana ku caayin ama ceeb ka sheegin. Abuu Hurayrah, Alle ka raali ahaadee, wuxuu yidhi $B!H(BRasuulki Alle
(scw), weligiis cunto xalaal ah ceeb kama sheegin. Hadduu jeclaysto wuu cuni jiray, hadduusan jeclaysanna wuu iska dhaafi jiray isagoo aan dhihin waa xaaraan.$B!I(B Mar waxaa dhacday in manso cagalay la kariyey loo keenay mase cunin maxaa yeelay naftiisu kama helin oo way diiday oo nacday. Wuxuuna yidhi dhulka ciddaydu degto lagama cuno manso cagalay.
$B!!(B

5. MIDIGTA WAX KU CUN

Sunaha Rasuulku (scw) waxaa weeye in wax walba midigta laga bilaabo sida waysada, qobaysiga ama maydhashada, gogobaysiga, dhar ama labis xidhashada, marka masjidka lasoo gelayo, marka kababaha la gashanayo iyo marka la shanlaysanayo iyo is-gacan qaadka salaanta. Qofka mu$B!G(Bminka ahi gacanta midig ayuu kitabkiisa ku qaata yawmal qiyaamaha. Akhriso aayadda lambar 19 ee ku jirta suuratal Alxaaqqah ee Alle ku yidhi $B!H(BRuuxii kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farxad darteed) akhriya kitaabkayga.$B!I(B

Waqtigan xaadirka waxaa caado noqotay in dadka reer magaalka ahi inay mindida gacanta midig ku qabsadaan, fargeetadana (fork) gacanta bidix ku qabsadaan. Hilibka waxay ku gooyaan ama ku jar-jaraan mindida ay gacanta midig ku hayaan. Laakiinse waxay ku qaataan fargeetada (fork) oo afka gashadaan. Sida saxa ah ee sharci waafaqsani waxa weeye waa inuu qofku fargeetada gacanta midig ku qabsadaa kadibna cuntada ku qaataa oo afka gashadaa.

Nin Asxaabtii Rasuulka (scw) ka mid oo la dhaho Salmat bin Al-Akwac wuxuu sheegay inuu nin Rasuulka agtiisa wax ku cunayay. Markaasuu Rasuulku (scw) ku yidhi $B!H(Bmidigta wax ku cun.$B!I(B Markaasuu ninkii yidhi $B!H(Bma karayo.$B!I(B Markaasuu Rasuulkii yidhi $B!H(Bwaad kartaaye kibir baa kuu diiday.$B!I(B Ninkii mar danbe gacantiisii kor uma soo qaadin oo afka ma soo gaadhsiin oo way qalashay (paralysed). Haddaba ha la iska jiro in bidixda wax lagu cuno. Qofkii ula kac bidixda wax ku cunaa wuxuu u dhowyahay inay gacantu qallasho sidii ku dhacday ninkaa diiday amarkii Rasuulka (scw).

6. CUNTADA GEESTAADA KA CUN

Marka qofku dad kale xeedho ama sixni cunto kula cunayo, waa inuu geesta ama dhinaca isaga xiga wax ka cunaa.oo uusan u talaabin dhexda ama dhinacyada bidixda iyo midigta ee dadka kale ee ay wax isla cunayaan. Qofkii sidaa sameeya wuxuu dhibayaa dadka kale ee wax la cunaya. Waa badownimo iyo xurmo darro inaad u talowdid meel qof kale hortiisa ah oo wax ka soo qaadatid. Nin ka tirsan asxaabtii Rasuulka (scw) oo lagu magacaabo Cumar bin abi Salmata, isaga iyo aabihiisba Alle haka raali ahaadee, wuxuu yidhi $B!H(Bwaxaan ahaa wiil yar oo Rasuulku (scw) dhabta ku hayn jiray. Gacantaydu waxay u gudbijirtay dhinacyada xeedhada ee wax lagu wada cunayo. Markaasuu Rasuulkii (scw) igu yidhi: Wiilkow, bismila dheh, dhankaagana wax ka cun.$B!I(B Xadiiska waxaa weriyey Muslim.Wuxuu Rasuulku (scw) xadiis kale ku sheegay $B!H(BBarakadu waxay ku soo degtaa cuntada xeedhada ku jirta dhexdeeda. Haddaba dhinacyada ka cuna, dhexdana haka cunina.$B!I(B Waxaa weriyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi.

7. CUNTADA HAL-HAL U CUNA

Cuntada qarkeed wuxay ka kooban tahay xabad xabad sida bariisak, galayda, badarka iyo wixii la mid ah. Marka la kariyo kuwaasi dhib ma leh haddii mar la isla qaato oo la cuno. Cuntada dhumucda leh sida timirta iyo cinabka, waa in hal hal loo cuno si loo calalin karo. Markaas ma habboona in laba labo xabbo mar afka la wada gashado. Hal hal ha loo cuno. Sidaas weeye sunnaha Rasuulku (scw).

8. QUMMAATI U FADHIISO

Aadaabta Islaamka ee Rasuulkii (scw) ina baray waxay ina faraysaa in cuntada la cunayo Allehii dadka ku arsaaqay looga mahad celiyo oo loogu shukriyo; waxaana waajib ah in Alle la addeeco oo loo hoggaansanaado. Aadaabta Islaamka waxaa ka mid in si qumaati ah loo fadhiisto marka cuntada la cunayo. Rasuulkii Alle (scw) wuxuu yidhi $B!H(Bwax ma cuno anigoo dhinac u jan-jeedha ama wax ku tiirsan.$B!I(B Waxaa weriyey Bukhaari. Meel ku tiirsiga la diidan yahay waxaa ka mid ah adigoo labadaada gacmood midna ku tiirsan midna wax ku cuna iyo wixii la mid ah.

9. CALOOSHA HA BUUXIN

Calooshu waa hooyga cudurada ama jirada. Ruuxa Muslimka ahi cuntada iskuma dal-dalo si xad-dhaaf ah. Wuxuu keliya ka cunaa in baahida iyo gaajada ka biisa, naftana nafaqo siisa. Rasuulkii Alle (scw) wuxuu inooga digay in caloosha cunto laga buuxiyo.
Rasuulka (scw) waxaa u caado ahayd inuu saddex farood wax ku cuno kadibna faraha wuu leefi jiray. Barakaduna waxay ku jirtaa cuntada la isla cuno oo faraha la wada geliyo. Qofka shanta farood iyo calacasha cunto ku qaata waxaa lagu sheegi karaa qof hunguri weyn oo dhuuni ah. Rasuulkii Alle (scw) wuxuu yidhi $B!H(BCunto laba qof loogu talo galay, saddex qofna waa ku filan tahay; cunto saddex qof loogu talagalayna, afar qof waa ku filan tahay. Waa xadiis la isku wada raacsan yahay.

10. WEELKA WAX LAGU CABO HAKU NEEFSAN

Haddii qof harraadan ama oomman biyaha qudh-qudhiyo, waxaa dhici karta inuu ku saxdo. Waxaa kalee dhici kara markuu weelka uu wax ku cabayo ku neefsado inuu geermis khatar ah weelka u gudbiyo. Markaa aadaabta cabidda waxaa ka mid in si deggan oo kabbo kabbo ah oo waqti yari u dhexeeyo loo cabbo biyaha iyo caanaha iyo wixii la mid ah. Qofka wax cabbayaa haku neefsado weelka dibaddiisa.. Wuxuu kalee Rasuulkii (scw) mamnuucay in weelka la afuufo si aan geermis loogu gudbin.

Waxaa idiin soo diyaariyay

Maxamed Sh. Cali Daad,

San Diego, CA, USA

mohameddad@hotmail.com

                                                                                 

webmaster@ceegaag.com