Ardayda
Soomaalida ee deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ee
Wax ka Barata Dalka Ethiopia oo Tacsi Diraya shacabka
Soomaaliyeed iyo qoyska madaxwaynihii hore ee
Soomaaliya.
(Addis Ababa
March 24,
2011 Ceegaag Online)
INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
”KULU
NAFSIN DAA'IQATUL MOOTI”
Tacsidan ayay ardaydu u dirayaan dhamaanba shacabweynaha
Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday madaxweynihi hore ee
Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii jimcada
ahayd ku dhintay cusbitaal ku yaala magaalada Abu-Dhabi ee
dalka UAE.
Ardayda reer Puntland ee wax ka barta jaamacadaha dalka
Ethiopia, waxay si gaara tacsi ugu dirayaan qoyskii uu ka
tagay madaxweyne Yuusuf oo ay ugu horayso hooyo Xaawo Cabdi
Samatar oo ahayd murwadi madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Alle ha naxariiste marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaan
aaminsanahay inuu ahaa shakhsi ku sifaysan "Halyay Qaran",
"Geesi" iyo "Muwaadin" jecel horumarka iyo midnimada umadda
Soomaaliyeed ee bay-hoofka iyo qalalaasaha ku jira muddada
20-ka sano ku siman.
Si kastaba ha ahaate, anaga oo ka kooban arday deeq
waxbarasho ka heshay dalka Itoobiy, waxaan umada
Soomaaliyeed ilaah uga baryaynaa inuu samir iyo iimaan ka
siiyo halyayga xijaabtay.
Ardayda Tacsida Diraysa:
1- Cabdirashiid Maxamed Daahir
2-Cabdiweli Yuusuf Cali
3-Cabdinuur Cali Jaamac
4-Cabdiwahaab Maxamed Cali
5-Cismaan
6-Cabdirashiid Axmed
7-Maxamed Cabdiraxmaan
8-Cabdixakiin Daahir
9-Mahdi Cali Xasan
10-Maxamed Miiraaf
11-Ribaax Cabdullaahi
12-Fardowso Cabdisalaan
webmaster@ceegaag.com
|