Ciidamada Kenya
oo laga yaabo inay ka baxaan Soomaaliya Oktobar
31, 2012
Afhayeenka Ciidamada Milatariga ee
wadanka Kenya Col Cyrus Oguna ayaa
sheegay in ciidamadoodu ku biireen ciidamada nabad
ilaalinta ee AMISOM sidaa awgeedna ay rajeenayaan
inay Soomaaliya ka baxaan marka uu kadhamaado
wakhtiga oo ku aadan 31ka bisha Oktobar ee
sanadkan 2012.
Ciidamada Kenya ayaa iyagu weerar
ku qaaday gobolada Jubooyinka iyaga oo marmarsiiyo
uga dhigtay in weeraro uga yimaadeen dhinacaa iyo
kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya. Ciidamada Kenya
ayaa wiiqay awoodii ciidamada kooxda la bahowday
argagixisada Caalamiga ee Al-shabaab, kadib markii
ay ku qaaday weeraro dhinaca cirka ah oo isdaba
joog ah. kana gubeen ilaa tobaneeyo babuurta
dagaalka ah.
Ciidamada Al-shabaab (Al-qaacidada
Soomaaliya) ayaa iyagu kuwiiqmay dagaalada
ciidamada Kenya ku soo qaaday taa soo keentay inay
ka alaab urursadaan Goboladii ay hore isugu
fidiyeen kuna ururaan magaalada Kismaayo oo haatan
ay kusii fool leeyihiin ciidamada AMISON siiba
kuwa Burindi iyo Ugandha.
Weerarada dawladaha dariska ay
sida tooska ah ugu qaadeen kooxda Al-shabaab ayaa
u muuqadta mid awood dheeriya siisay Ciidamada
Soomaaliya oo dib ugusoo xamaaranaya hantiyida
masuuliyadii kasaarnayd Qarannimadii Soomaaliya.