-
1. $B!H(BDunida waad ka guuraysaan, waxaadna u
guuraysaan xagga daar weligeed jiraysa;
haddaba ka guura idinkoo wata camal khayr badan;
waxaa na loo sheegay in dhagax
lagu tuuray salka jahannama uu sii socon doono
toddobaatan sano isagoon weli salkeeda
gaadhin; wallaahay in la buuxin doono ma la
yaabteen? Wallaahay waxaa na loo sheegay in
jannada labadeeda albaab (irridood) loo socdo
afartan sano, waxaana iman maalin ay cidhiidhi
la buuxsanto$B!I(B. Waxaa weriyey Imaam Axmed.
-
Rasuulkii
wuxuu yidhi $B!H(BAnigu kuma hadlo waxaan xaq
ahayn$B!I(B. Allaheenna wuxuu yidh: $B!H(BWixii
rasuulku dadka faro waa inay qaataan, wuxuu ka
reebana, waa inay ka reebanaadaan (ka
hadhaan)$B!I(B. (akhriso aayadda # 7 ee ku jirta
suurat al-Xashr).
-
B!H(BRuuxa Muslimka ah waa ka xaaraan Muslim
kale xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiigiisa,
waxaa shar ugu filan qof inuu xaqiro walaalkiisa
Muslimka ah$B!I(B.
(Waxaa weriyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi).
-
$B!H(BMa jiro dulmi iyo qaraabe gooys uga dhaw
in Alle ciqaabta ifka uguso dadajiyo iyadoo tii
aakhirona u dheertahay$B!I(B. (Waxaa weriyey
Imaam Axmed bin Xanbal).
-
$B!H(BDulmiga iska jira waa mugdiga yawmal
qiyaamaha, bakhaylnimadana iska jira iyadaa
halaagtay kuwii idinka horeeyey$B!I(B. (Waxaa
weriyey Muslim).
-
$B!H(BXoolahaaga waxa keliya aad ku leedahay waa
waxaad cunto oo aad dhammaysato iyo waxaad
xidhato (gashato) oo duug noqda iyo waxaad
sadaqaysato oo hormarsato. Wixii intaas ka soo
hadhay waad ka tegi oo u dhaafi dad kale$B!I(B.
(Waxaa weriyey Muslim iyo imaam Axmed).
-
$B!H(Biimaanka waxaa ugu fiican inaad ogaato in
Alle kula joogo si kasta aad ku sugantahay$B!I(B.
-
$B!H(BMu$B!G(Bminiintu saddex bay wadaagaan: $B!H(BDabka,
daaqa iyo biyaha$B!I(B.
(Waxaa weriyey Imaam Axmed iyo Abuu Daawuud).
-
$B!H(BIbna aadanku hadduu dhinto wuu go$B!G(Baa
camalkiisu saddex mooyee $B!H(Bcilmi lagu
intifaaco, ilmo fiican oo u duceeya, iyo sadaqo
socota ama jaari ah$B!I(B. (Waxaa weriyey
Muslim).
-
$B!H(BRuuxii akhrista suuraddaYaasiin habeenkii
Alle dartiis waa loo dambi dhaafaa$B!I(B. Wuxuu
kale rasuulku (scw) yidhi $B!H(Bwaxaan jeclaan
lahaa inay ku jirto qalbiga ruux kasta oo ka
tirsan ummadayda$B!I(B. (Waxaa weriyey Ibnu
Xayaan).
-
$B!H(BDambiyada kabaairka ah ama dambiyada waa
wayn waxaa ka mid ah: gaalnimo, qof muslim ah oo
xaq darro lagu dilo, ka cararka jihadka,
waalidka oo la caasiyo, qof haween ah oo
dhawrsoon oo lagu sheego dhillo, barashada iyo
ku shaqaysiga sixirka ama falka, cunidda ribada,
cunidda xoolaha agoonta si xaq darro ah, sinada,
dhaarta beenta ah iyo marag furka beenta
ah$B!I(B.
-
$B!H(BWaxaa idiinku khayr badan kiina cumrigiiso
dheeraado, camalkiisuna fiicnaado$B!I(B.
-
$B!H(BFaqrigu wuxuu u dhow yahay kufrinimo ama
gaalnimo$B!I(B.
-
$B!H(BGeelo waa cisisi iyo sharaf, adhiguna waa
barako$B!I(B.
-
$B!H(BSu$B!G(Baashu waa cilmiga badhkiis$B!I(B.
-
$B!H(BFadliga cilmigu wuu ka khayr badan yahay
fadliga camalka$B!I(B.
-
$B!H(BCamalka waxaa ugu fadli badan kiisa
daaimka ah (joogto ah) haba yaraadee$B!I(B.
-
Haweeynay madaw oo wax dhasha ayaa ka khayr
badan qurux badan ma dhasho ah$B!I(B.
-
$B!H(BHaweenka waxaa ugu khayr badan tan wax
dhasha ee dabeecadda wacan ee
qalbi fiican ama qalbi nugul.$B!I(B
-
$B!H(BSalaadda jamac lala tukado waxay salaadda
keli loo tukado dheertahay toddoba iyo labaatan
(27) darajo.$B!I(B Waxaa weriyay Bukhaari iyo
Muslim.
-
Rasuulkii (scw) waxaa la weydiiyay camal la falo
(gutto) kee ugu fadli badan? Wuxuu ku jawaabay $B!H(BSalaad
waqtigeedii lagu tukado.$B!I(BWaxaa weriyay Abuu
Daauuud iyo Tirmidi.
-
Khaliifa Cuthmaan bin Caffaan, Alle haka raali
ahaadee wuxuu yidhi, waxaan
Rasuulka ka maqlay $B!H(BRuuxaa salaad cishe
jamac la tukada, wuxuu la mid yahay isagoo
habeenka nuskii salaad tukaday, ruuxii salaadda
subax jamac la tukada wuxuu la mid yahay ruux
habeenkii oo dhan salaad tukanayay Waxaa weriyay
Muslim iyo Abuu Daauud.
-
Xudayfa bin Al-Yamaan, Alle ka raali noqdee
wuxuu rauulkii Alle ka weriyay inuu yidhi $B!H(BJannada
ma gelayo qofka dadka isku dira oo warka u kala
qaada.$B!I(BWaa xadiis la isku raacsan yahay (muttafaq
calayhi).
-
Abuu Hurayrah, Alle ka raali ahaadee, wuxuu
rasuulkii (scw) ka weriyay inuu yidhi
$B!H(BAmmaanada u celi ruuxii wax kugu aaminay (ammaano
kuu dhiibtay), ruuxii adiga ku khiyaameeya,
adigu khiyaamayn.$B!I(B Waxaa weriyay Abuu
Daauud.
Waxaa idiin soo diyaariyay Maxamed Sh. Cali Daad.
Fadlan Alle abaal marin wacan Alle u weydiiya.