Dowladda Federaalka KMG oo
Aas qaran u sameyneysa Madaxweynihii hore Soomaaliya C/laahi
Yuusuf Axmed
(Muqdisho,
Mar 23, 2012 Ceegaag Online)
Xukuumadda Soomaaliya ayaa
magacawday guddi soo diyaariya Aas Qaran oo loo sameeynayo
Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, guddigaas oo maanta lagaga
dhawaaqay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha wasiirrada
ee xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya.
Kulankan degdeg ah oo ay
maanta yeesheen xubnaha Golaha wasiirrada isla markaana uu
shir guddoominayay Ra'iisal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas)
ayaa lagu magacaabay Wasiirro iyo Xildhibaanno kuwaas oo soo
qabanqaabinaya aaska qaran ee loo sameyn doono maxaxweynihii
hore ee Soomaaliya oo saaka ku geeriyooday dalka Isutaga
Imaaraadka Carabta.
Guddigaas ayaa durba
gudagalay qaban qaabada iyo diyaarinta aaska qaran ee loo
sameynayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf
Axmed iyadoo Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qarankana ay
billaabeen baroordiiqda Madaxweynihii hore, waxaana la
joojiyay dhamaan barnaamijyadii caadiga ahaa ee ka bixi
jiray.