Madaxda
Dowladda oo ka qaybgalay munaasabad ka dhacdey tiyaatarkii
qaranka.
(Muqdisho,
Mar 19,, 2012 Ceegaag Online)
Madaxda ugu
sareysa dowladda sida Madaxweynaha dowladda Soomaaliya
Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha
Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta
ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay Ruwaayad taasoo
lagu qabtay Tiyaatarkii Qaranka (Golaha Murtida iyo
Madadaalada), kaasoo burbursanaa muddo 21 sano ah.
Munaasabadan
ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Warfaafinta
Boostada iyo Isgaarsiinta iyo hay’addaha cilmi baarista iyo
Wadatashiga ee CRD, waxaana halkaasi laga soo jeediyay
ruwaayado, heeso iyo gabayo ay si weyn ugu riyaaqeen
daawadayaasha iyo madaxdaba, waxaana goobta joogay hobolo,
Abwaano iyo Fanaaniin.
Ra’iisul
Wasaaraha oo ugu horeyntii goobta ka hadlay ayaa xusay inay
farxad weyn u tahay inuu ka soo qeybgalo ruwaayad lagu
qabanayo Tiyaatarka Qaranka wuxuuna xusay in beri samaadkii
uu Tiyaatarka iman jiray balse muuqaalka maanta ka muuqda
iyo muuqaalkiisii hore ay kala duwan yihiin “Runtii anigu
waxaan ahay qof fanka jecel, waana xasuustaa berisamaadkii
halkan waan iman jiray, balse aadbaan u qiirooday maanta
markii aan arkay muuqaalka ka muuqda iyo burburka, insha
allah waxaan rajeynayaa in muuqaalkiisi hore iyo si ka
wanaagsan uu yeelan doono” ayuu yiri R/wasaaraha oo si gaar
ah ugu mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta iyo
caawiyeyaasheeda ku garab istaagay sidii dib boorka looga
jafi lahaa Tiyaatarka Qaranka.
Sidoo kale,
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sh.
Axmed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in isbedelka amni uu
keenay in galabta ruwaayad lagu dhigo Tiyaatarka Qaranka
ayna ka soo qeybgalaan mas’uuliyiinta dowladda iyo dadweyne
fara badan wuxuuna ka mahadceliyay dedaalka loo galay in 21
sano kadib lagu qabto Barnaamijyo Tiyaatarka.
Ugu
dambeyntiina madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in dowladda
Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo hay’addaha CRD ay ku
tabarucayaan dhaqaale dib loogu dhiso Tiyaatarka si bulshada
loogu wacyigeliyo “Fanka Soomaaliyeed waa qadiimi sababtoo
ah, waxaa jirta in todobo boqol oo sano ka hor boqoradii
Masar ee dalka Soomaaliya booqashada ku timid ay soo
bandhigeen Abwaanada iyo qorayaasha, waana facweyn yahay
Fanku” ayuu yiri Madaxweynaha oo bogaadiyay Abwaanada iyo
Fanaaniinta Soomaaliyeed.