Madaxwayne
Shariif oo kormeer indho indheen ah ku tagay
mashaariicda horumarineed ee ka socda Muqdisho
(Muqdisho
March 31,
2011 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kormeeray xarummo ay
walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan mashaariic kala duwan oo
ku yaala magaalada Muqdisho. Kormeerkan uu maanta sameeyey
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa mid uu ugu
kuurgalayey qaabka ay u socdaan dhismooyin mashaariic ah oo
walaalaha Turkigu ka hirgelinayaan gudaha magaalada Muqdisho
ayaa Madaxweynuhu waxaa uu ugu horeyn ku tagey qaybo ka
tirsan degmada Hodan.
Madaxweynaha ayaa waxa uu si gaar ah usoo eegay
dhismooyin isugu jira Isbitaal, College Waxbarasho iyo xarun
loogu talagalay quudinta kuwaasi oo hada dhismahoodu ka
socdo nawaaxiga warshadii Kabka ee degmada Hodan waxaana uu
Madaxweynuhu indha indheeyey sida dhismayaashaasi ay u
socdaan isagoo dhanka kalena warbixinno ka dhageystay
mas’uuliyiin iyo injineero ka tirsan Turkiga oo uga
warbixiyey halka ay howlahaasi mashaariicda lagu hirgelinayo
marayaan.
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha
Jamhuuriyadda oo markii uu kormeerkaasi soo gabagabeeyey
kadib la hadlay saxaafadda ayaa ugu mahadceliyey dowladda
aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida hagar la’aanta ah ee ay
mashaariicdaasi u hirgelinayaan waxaana uu Madaxweynuhu
dhanka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka
faa’ideystaan Mashaariicdaan horumarineed loona baahanyahay
in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiligan ka soconaya
mashaariic kala duwan oo dhismayaal horumarineed ah ayadoo
kuwo kalena horey loo hirgeliyey balse kormeerkaan maanta uu
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku tagey goobaha
mashaariicda laga hirgelinayo qaarkood ayaa ah mid lagu dar
dar gelinayo hirgelinta mashaariicdaasi si shacabka
Soomaaliyeed ay uga faa’ideystaan.
webmaster@ceegaag.com
|