Madaxwayne
Shariif oo si kulul ugu Jawaabay Ergayga QM ee
Soomaalia Mahiga oo shalay ku eedeeyay dawlada
inay maamulka dalka la wareegeen koox uu ku
tilaamay Ahlu-Sheekh
(Muqdisho, March 05, 2012 Ceegaag Online)
Ahlu-sheekh
ayaa dalka xukunkiisa isku koobaya inqilaabayna
madaxtooyada waa koox aan waxba dhaamin Al-shabaab
balse iyagu hub ma isticmaalayaan waa hadaladii
kasoo yeedhay Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga
shalay mar uu kormeer ku marayay furimaha dagaalka
ee Caasimada.
“Wixii uurka
kaa jira Afka ayaa kaa xada” kadib guulaha
balaadhan ee ay gaadheen ciidamada qalabka sida
iyaga oo kaalmo ka helayay ciidamada AMISOM oo
dalkau yimid ladagaalanka Kooxda Al-shabaab ayaa
Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga aad uga bajisay ina
dawladu dalka gacanta ku dhigto oo nidaamkii iyo
kaladanbayntii soo noqoto oo uu isna halkaa ku
shaqo waayo taasoo markaliya kasoo fakatay inuu is
yidhaahdo kala dir oo kala daadi dawlada
Soomaaliya.
Dhinaca kale Ahlu-Sheekh” waa koox ay ku mideysan
yihiin ragii madaxda ka ahaa maxkamadihii islaamka
hadana ku nool dhanka dowlada . Kooxdaan waxaa ay
leedahay hogaan udhisan qaabkii amiirkii oo wali
loo raacayo wadadii maxkamadahii 6-da bilood
waxaana madax ka ah Sheekh Shariif Sh.Axmed
Magacyada kale ee “Ahlu-Sheekh” laga xusi karo
waxaa kamid ah Sheekh Cabduqaadir Cali Cumar oo
ahaa gudoomiye ku xigeenkii golihii fulinta ee
maxkamadihii islaamka ,Sheikh C/raxmaan Maxamuud
Faarax “Janaqow” iyo rag kale . Mahiga waxaa uu
sheegay in kooxdan aaney hubeysneyn hadana sidaas
oo ay tahay ay xoog ku heystaan madaxtooyada .Laakin
waxaa fakir midkaas ka duwan qaba siyaasiga C/laahi
Shiiq Xasan oo madax ka ah xisbiga isbaheysiga
nabada kaas oo sheegay in “Ahlu-Sheekh” ay tahay
koox hubeysan madama uu kasocdo madaxweynaha oo
gacanta ku haya hubkii qaranka.
Qaar kamid ah
Xildhibaanada Barlamaanka Soomaalia ayaa sheegay
in ay aad utaageersan yihiin Khilaafka Xoogan ee
ka dhex dilaacayv Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga
iyo Madaxweynaha Soomaalia Shariif Sh Axmed.
Xildhibaanadan oo ah kuwii dhawaan xilka ka qaaday
Shariif Xasan Sh Aadan oo kulan ku yeeshay Xarunta
Golaha Shacabka Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in
Khilaafka Mahiga iyo Sh Shariif uu soo dadajin
karo in xal laga gaaro Siyaasada Soomaalia.
“Waxaan aad usoo dhaweynaynaa oo aan taageereyna
hadalkii shalay kasoo baxay Madaxweynaha Dowlada
kaas oo jawaab cad u ahaa Mahiga”ayuu sheegay
Madoobe Nuunow Maxamed oo shuir gudoominayay
Kulanka. “Kadib eedeyntii Mahiga iyo hadalkii Sh
Shariif ee ahaa in Mahiga Marada ka dhacday, waa
mid wanaagsan Khilaafkoodana xal ayaa ku jira”ayuu
hadalkiisa raaciyay.
Xildhibaanada ayaa Ergayga gaarka ah ee Soomaalia
uqaabilsan QM ku eedeeyay in uu amaan xumo doonayo
isla markaana ay ku tala jiraan sidii ay xilka uga
ridi lahaayeen . Dhanka kale Xildhibaanada ayaa
tilmaamay in ay ku guda jiraan qaabkii looga bixi
lahaa xaalada kala guurka ee xiligan dalka uu ku
jiro. Dhawaan ayaa Ergayga QM ee Soomaalia Mahiga
waxaa laga soo xigtay isagoo dhahaya “Xarunta
Madaxtooyada waxaa Afganbi ku qabsaday Xerta
Ahlu-Sheekh, Halka Sh Shariifna uu ugu jawaabay
“Mahiga haduu hadalkaas yiri Maradaa ka dhacday
aniga wax kale ma dhahayo.