Madaxweynaha Soomaaliya oo
Ummada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid
Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum C/laahi Yuusuf Axmed.
(Muqdisho,
Mar 23, 2012 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa Tacsi u diray
ehelladii, qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeedba geeridii
naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii
hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saaka ku
geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Sheekh Shariif
Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay Aas qaran u sameyn
doonto madaxweynihii hore ee Soomaalia Allaha u naxariistee
C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna intaa ku daray in dowladdu
magacaabi doonto guddi qaran oo soo qabanqaabiya aaska
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
Dhinaca kale madaxweyne
Sheekh Shariif ayaa madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed
ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi waddani geesi ah oo jeclaa
horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay
in Allaah uu ka waraabiyo Jannadiisii Fardowsa isla markaana
eheladii, Qaraabadii iyo ummadda Soomaaliyeedba uu samir iyo
iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin