Tijaabo iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu
ogaaday in timirta laga helo faaiido iyo waxtar iyo dheef
badan oo aan la koobi karin. Waxaad hoos ka akhrisataan
waxtarka badan ee timirtu leedahay.
Waxaa ka mid ah iyadoo dhinta ama yaraysa kalastaroolka
dhiigga ku jira sabatoo ah waxaa timirta laga helaa maaddo
la dhaho Pectin oo halbowlaha dhiigga ka ilaalisa inuu isku
dhego ama xidhmo kadibna uu joogsado wareegga dhiiggu.
Sidoo kale, timirta waxaa ku jira maaddo kale oo la dhaho
fluorine (fluoride) taasoo ilkaha ka dhawrta inuu suus galo.
Timirtu waxay jidhka (jirka) ka difaacdaa ama ka dhawrtaa
sunta waayo timirta waxaa laga helaa saddex maaddo oo
caafimaadka u roon kuwaasoo kala ah sodium iyo potassium iyo
weliba vitamin C.
Timirta waxaa ku jira saddex maaddo oo kala ah iron iyo
copper iyo vitamin B. Kuwaasina waxay daawo u yihiin
aniimiyada ama dhiig yaraanta (anemia). Timirta waxaa kale
ku jira labo maaddo oo kala ah calcium iyo phosphorous iyo
vitamin A. Kuwaasina waxay daawo u yihiin cudurka carruurta
ku dhaca ee loo yaqaan (rickets) kaasoo lafahooda ka dhiga
jiljileec iyo tamar darri ka dhalatay vitamin D la’aan.
Timirta waxaa ku jira maadada magaceedu yahay potassium
taasoo daawo u ah oon diidnimada ama rabitaan la’aanta
cuntada iyo weliba marka qofku fakerkiisa meel isugu keeni
kari waayo (lack of concentration). Timirta waxaa ku jira
maadada la dhaho magnesium taasoo daawo u ah daciifnimada
iyo tabar-darrida iyo boodboodka ama garaaaca wadnaha. Waxaa
kalee timirta ku jira maaddo loo yaqaan boron taasoo daawo u
ah cudurka tufta ama lafo xanuunka (rheumatism) iyo cudurka
kaansarka ee maskaxda gala.
Timirtu waxay baajisaa oo ka hortagtaa cudurka kaansarka ee
ku dhaca mindhicirka ama xiidmaha, Waxay kalee timirtu ka
hortagtaa cudurka bawaasiirta isla markaana waxay yaraysaa
in xammeetida dhagxanyo ku samaysmaan. Sidoo kale waxay
fududaysaa marxaladaha uuraysiga ama uur bixinta iyo
dhalinta iyo muddada umuluhu ku jiraan umulbixinta. Sidaasna
waxaa u sabab ah timirta waxaa ku jira maaddo miraha laga
helo oo dheef-shiidka cuntada sahal ka dhigta.
Timirta waxaa ku jirta maaddo la dhaho boron taasoo waxtar
wayn u leh ragga ay ku dhacdo awood darri iyo hawlgabnimo ku
saabsan raganimada iyo galmada. Timirtu waxay daawo u tahay
jidhka engaga iyo indho habeenada ama qofka aan waxba arki
karin waqtiga habeenimada. Waxaa kalee timirta laga helaa
vitamin B2 taasoo daawo u ah dheef-mareenka ama (digestive
system).
Waxaa intaas sii dheer, timirtu waxay daawo u tahay timaha
daata iyo indho-daalka iyo cirrid-dhiiga ka dhasha fiitamiin
C la’aan iyo weliba xiiqda iyo lafo jileeca. Timirta waxaa
laga samayn karaa daawooyin iyo fiitaamiino iyo kiniini dila
jeermiska iyo baakteeriyada cudurada keenta kuwaasoo lagu
daawayn karo cudurada kor ku xusan..
Faaiidooyinka kor lagu sheegay ayay timirtu leedahay ee
markaa yaan loo daymo la’aan.