Maydka
Marxuum C/laahi Yuusuf oo lakeenay Muqdisha loona
qaaday Gaalkacayo Si loogu aaso markii loo oogay
salaadii jinaasada dabadeed
(Muqdisho
March 25,
2011 Ceegaag Online)
Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa saaladda Jannaasada
kaddib Tacsi u diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo
ehelladii uu ka geeriyooday madaxweynihii horre ee
Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Jamuuriyadda uu ummadda ku
boorriyiay in ay u duceeyaan marxuumCabdullaahi Yuusuf Axmed.
Markii ay soo idlaatay Saaladda Jannaasada ee lagu
Dukaday madaxweynihii horre ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, ayaa waxaa hadallo kooban jeeddiyay madaxda dowladda
waxaana haddalka ku horreeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali, waxa uuna sheegay in Marxuum
Cabdullaahi Yuusuf uu ahaan shaqsi ummadda Soomaaliyeed ku
reebay taariikh weyn isla markaana ay Alle uga baryayaan in
uu Jannadii Fardowsa ka warraabiyo.
Sidoo kale madaxweynnaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isna
haddal kooban jeeddiyay ayaa ugu horreyn Tacsi u diray
dhammaan ummadda Soomaaliyeed ehelladii uu ka baxay
madaxweynihii horre ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay
madaxweynaha in ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in
iska cafiyaan walaalkooda, isla markaana ay u duceeyaan.
Madaxweyne Shariif ayaa yiri, “aniga iyo marxuumka waxaa
ina dhaxeeyay cilaaqaad wanaagsan, waxaan ku wada xiriir
jirnay qadka Teleefanka, waxa uuna ahaa shaqsi jecel
dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya, Alle waxaan uga
baryeenaa in uu Jannadii Fardowsa ka warraabiyo.
Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahad
celiyay dowladda Yemen iyo Isuga Imaaraadka Carabta oo uu
sheegay in ay ka codsadeen in ay si gaar ah ula socdaan
xalaadda mudune Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ballan qaaday in
dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay bixinta dhammaan
Deemaha lagu leeyahay madaxweynihii horre ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya.
webmaster@ceegaag.com
|