Ra’isulwasaaraha Oo Kulan Balaadhan La Qaatay
Jaaliyadda Sweden
R/wasaaraha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya
Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan
balaadhan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka Sweden iyada oo hool weyn oo ku yaalo
Magaalada Stockholm ay isugu yimaadeen dadweyne
aad u fara badan kuwaas oo si weyn u dhowrayey
fariinta r/wasaaraha iyo su’aalo fara badan oo ay
weydiinayeen Madaxda Qaranka.
Wafdiga R/wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen R/wasaare
xigeen ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha
Mudane Cabdi wahaab Ugaas Xuseen, iyo Ambasadoor
Nuur Xasan Xuseen, iyo xubno kale ayaa waxa ay ugu
horeyn dhageysteen khudbadaha xubnihii halkaasi
ka hadlay kuwaas oo soo dhaween iyo hambalyo ka
dib halkaasi ku soo bandhigay talooyin iyo
dardaaran la xiriiray howlaha dowladda federalka
ah ee ka wado gudaha wadanka, waxa ayna dhamaan
qurba joogtii hadashay ay ka sinaayeen in ay u
heelan yihiin ka qeybgalka dib u dhiska dalka
Soomaaliya.
R/wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo
halkaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ka
xogwaramay ujeedada socdaalkiisa oo ka dambeysay
ka qeybgalka kulankii London, iyo casuumaad rasmi
ah oo uu ka helay dalalka Norway iyo Sweden oo uu
ku tilmaamay in ay yihiin dalal muhiim u ah geedi
socodka qorsho howleedka loogu jiro xasilinta iyo
dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Khudbada R/wasaare Gaas oo dhinacyo badan
taabanasay ayaa qurbo joogto waxa uu si gaar ah
kula dardaarmay in xiligan ay tahay waqtigii ay
dalkooda ku soo noqon lahaayeen ayna maalgashan
lahaayeen.
Markii aan ka xureynay kooxda Alqaacida
Muqdisho maalmo gudahood dhamaan xaafidhii waxa ay
ku soo noqdeen sidii ay ahaayeen oo maba la moodeyn
in ay burbureen, marka taasi waxaa kaaga cad in
daaro burbursan la dhisan karo laakiin maskax
burburtay lama dhisi karo, sidaasi daraadeed hadii
aad tihiin qurbo joogtii aqoontiina la kaalaya
dalkiina waa la idin baahan yahaye” sidaasi waxaa
yiri Prof Cabdiweli Maxamed Cali Gaas R/wasaaraha
Soomaaliya.
Goobta xaflada ka socotay ayaa waxaa si lama
filaan ah u timid Dr. Maryan Aweys oo aheyd
wasiirkii hore ee arimaha haweenka iyo qoyska
taas oo ku amaantay R/wasaaraha dadaalkiisa oo ay
ku tilmaamtay naftii hure iyada oo sharaxaad
dheerna ka bixisay muhiimada hishiisyadii Garoowe
iyo kii Ugandha, iyada oo tusaalooyin muhiim ahaa
halkaasi ku soo bandhigtay.
Gunaanadkii kulankan balaaran ayaa waxaa R/wasaaraha
lagu gudoonsiiyey ubaxyo iyo abaal marino kale oo
qaali ah iyada oo ka qeybgalayaasha xafladana ay
halkaasi su’aalo ku weydiiyeen R/wasaaraha kuwaas
oo u badnaa dhinacyada nabadgalyada iyo doorka
haweenka iyo dhalinyarada waxaana uu horey
Ra’isulwasaare C/weli sidan oo kale ula soo kulmay
Jaalliyadaha dalalka
Norway, Italia, Engaland, Biljamka iyo USA.