Rasalwasaare
Xigeenka dawlada Turkiga Mudane: Baker
Bozdag oo Muqdisho u yimid meelmarinta
Duulimaadada diyaaradaha Turkiga oo isaga gooshi
doonta Istanbuul iyo Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee magaalada
Muqdisho waxaa saaka aroortii ka soo degay wafdi
uu hoggaaminayo Rasalwasaare Xigeenka dawlada
Turkiga Mudane: Baker Bozdag, iyadoo
halkaasina ay ku soo dhoweeyeen madaxda sare ee
Dowladda KMG ah oo ay ka mid yihiin: Madaxweyne
Shariif Sh. Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ciidamada kala
duwan ee Dowladda KMG ah.
Wafdiga ayaa la sheegayaa inuu saacadaha soo
socda xarayo shirkadda diyaaradaha Turkish Airway
oo iyadu si toos ah howlo duulimaad uga bilaabeysa
magaalada Muqdisho isla markaana ay ku tageyso
toddobaadkiiba laba jeer magaalooyinka Muqdisho
iyo Stanbul, iyadoo sidoo kale la filayo wafdiga
Dowladda Turkiga inay kulamo kala duwan la
yeeshaan madaxda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho ayaa saakay laga dareemayaa
inuu saameyn ku yeeshay imaatinka wafdiga Ra’iisal
Wasaaraha, waxaana joogsaday dhammaanba
dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wadada dheer ee
tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Waa markii labaad oo wafdiga Dowladda Turkiga
booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, iyadoona
Dowladda Turkiga ay si rasmi ah u guda galeyso
fulinta mashaariic fara badan oo ay Soomaaliya dib
ugu dhiseyso amaba ka fulineyso.