Ra'iisul
Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay Dhigiisa
Sweden
(Sweden,
March 01, 2012 Ceegaag Online)
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli
Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda
Stockholm ee dalka Sweden ka dib markii uu soo
dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey
Norway.
Ra'iisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ah
Ra'iisul Wasaarihii 32aad ee dalka Sweden iyo
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli
Mohamed Ali oo ah Ra'iisul Wasaarihii 5aad ee ay
TFG yeelato tan iyo 2004tii ayaa waxey ka wada
hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo
sida ugu habboon ee Soamaaliya iyo Sweden uga wada
shaqeyn karaan sii xoojinta horumarka baaxadda leh
ee Xukuumadda FKMG ah ku tallaabsatay 6dii bilood
ee la soo dhaafay, gaar ahaan soo afjaridda
Xilliga KMG ah iyo dhaqangelinta Roadmapka iyo
heshiisyadii Garowe.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta
kulan dheer oo qado ah la qaatay Marika Fahlen oo
ah Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Sweden u
qaabilsan arrimaha Geeska Africa iyo mas'uuliyiin
ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Sweden.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa maalinta 1da
Maarso uu fiidkii kulan la yeelan doono Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Sweden oo qabanqaabo xoog leh ugu
jirta soo dhoweynta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya
oo beryan booqashooyin rasmi ku soo kala bixiyey
Brussles, Midowga Yurub, London, Norway iyo hadda
oo uu ku sugan yahay Sweden.