Safiirada
dalalka DJabuuti, Suudaan iyo Yaman oo dhabaalo
tacsiya soo gaadhsiiyay madaxwaynaha Soomaaliya
(Muqdisho
March 24,
2011 Ceegaag Online)
Madaxwaynaha Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya
Sheekh Shariif Sheekh Axmad ayaa maanta ku qaabilay
Xafiiskiisa Safiiradda dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya,
Kuwaas oo ugu tacsiyadeynayay Geeridda ku timid
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llahi Yuusuf
Axmad oo 23 kii Bishan ku geeriyooday Dalka Isu Tagga
Immaaraadka Carabta.
Safiirada dowladaha Jabuuti, Yaman iyo Suudaan ka jooga
wadanka Soomaaliya ayaa dhambaal tacsi ah oo ay ka wadeen
mas’uuliyiinta iyo shacabka dalalkaasi ay hoygiisa ku
gaarsiiyeen Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay uga tacsiyeyeen dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed geeridi ku timid ALLAHA u
naxariisti marxuum C/llahi Yusuf Axmed oo ahaa Madaxweynihii
hore ee dalka.
Dayib Dubad Rooble safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
oo afhayeen u ahaa safiirada ka socday dowladaha Yeman iyo
Suudaan ayaa uga tacsiyeeyay Madaxweynaha iyo shacabka
geerida C/llahi Yuusuf Axmed Madaxweynihii hore ee
Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa uga mahadceliyay dowladaha
Jabuuti, Yeman iyo Suudaan dadaalka ay la garabtaagan yihiin
shacbaka Soomaaliyeed.
webmaster@ceegaag.com
|