Shir madaxeedka Jaamacada
Carabta oo manta ka furmay magaalada Baghdad ee dalka
Ciraaq.
(Baghdad, Iraq Mar 29, 2012 Ceegaag Online)
Shir
madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta si rasmi ah
uga furmay magaalada Baqdaad ee wadanka Ciraaq, shirkaasi oo
ay ka soo qeyb galeen dhammaanba wadamada ururka Jaamacadda
Carabta ka tirsan.
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed
iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay ka ambabaxay magaalada
Muqdisho ayaa maanta gaadhay wadanka Ciraaq si uu uga qeyb
galo shirka wadamada Carabta ee halkaasi ka furmaya.
Magaalada
Baqdaad ee wadanka Ciraaq oo 22-sano kaddib marti galisay
shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa furitaanka shirka
waxaa maanta khudbado kala duwan ka jeediyay
Madaxweynayaasha qaar ka mid ah dalalka Carabta.
Shirka
ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay diblomaasiyiin iyo
madax heer caalami ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale oo ka
socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah.
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed
ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu ka hadlay
xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dalalka Carabta ay
caawiyaan Dowladda KMG ah oo uu sheegay inay isku biirsadeen
xaalado kala duwan iyo dagaallo ay ku hayaan kooxaha
argagixisada caalamiga ah.