Wasiiru
Dowlaha Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ee dowlad
goboleedka Puntland Dr.Abdulkadir Abdi Hashi ayaa maanta
booqdey xarunta Hay’adda waxbarashada & horumarinta Reer
miyiga ee SCERDO ee magaalada Edmonton ee dalka Canada.
Wasiirka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay dhamaan howlwadeenada
Hay’adda iyo dhalinyarada tababarku uga socdo xarunta
SCERDO, waxaana warbixin kooban oo ku saabsan howlaha ay
qabato Hay’addu kusiiyay wasiirka gudoomiyaha gudiga fulinta
Bashiir Haaji Cali (Jamaal) isagoo uga waramay mashaariicda
Hay’addu ay ka fuliso Dalkan Canada gaar ahaan magaalada
Edmonton iyo Somalia.
Wasiirka ayaa ugu horrayntii la kulmay dhallinyaro
Soomaaliyeed oo tababar xagga
shaqada iyo hogaaminta toosan lagu barto uga socdo xarunta
SCERDO, isagoo wasiirku u jeediyay dhallinyaradaas khudbad
dheer oo ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay maamul wanaaga,
caddaaladda,wadajirka iyo isutanaasulku.Waxaa kale oo
wasiirku uga warramay dhallinyarada horumarka uu
gaadhay maamulka Puntland gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha,
waxbarashada, maamulwanaaga,
laddagaallanka budhcad-badeedka iyo argagixisada caalamiga
ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale uga xogwarramay hawlwadeennada
SCERDO iyo dhallinyarada tababarku u socdo geeddi-socodka
nabadda soomaaliya gaar ahaan qaraarkii lagu gaadhay shirkii
London kuwasoo uu wasiirku ku tilmaamay in haddii la
dhaqangaliyo qodobaddaas noqonkara kuwo ka saara ummadda
soomaaliyeed dhibaatada nabadgalyo xumo ee dalka
ka jirtay 20 sano ee la soo dhaafay.
Wasiiru
dowlaha qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ee
Dowladda Puntland Dr. Abdulkadir
Abdi Hashi. ayaa ugu danbayntii ku adkeeyay dhallinyarada
in ay ka faaiidaystaan fursaddan ay haystaan ee nabadgalyo,
waxbarasho isla markaana kula dardaarmay in ay hamigooda
tiigsadaan oo mustaqbalka noqdaan kuwii u barbaarilahaa
dalkooda hooyo ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku ammaanay hay’adda SCERDO sida hagarla’aanta
ah ee ay u caawiso dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka ku
cusub gaar ahaan mashruucan shaqo-qorista isagoo wasiirku u
sheegay in aanay fursaddan oo kale helin dhallinyaradii iman
jirtay dalkan Canada sannadihii hore. Dr. Abdulkadir ayaa
kula dardaarmay dhallinyarada in ay ka qaybqaataan hawlaha
hay’adda SCERDO fuliso wakhtiga ay firaaqada leeyihiinna ugu
shaqeeyaan si tabaruc ah.
Dhalinyarada ayaa khudbada kadib su’aalo ku saabsan xaalada
Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan gobolada Dowladda
Puntland ku weydiiyay isagoo wasiirku si fiican uga wada
jawaabay.
Gabagabadii shirka ayaa waxaa shahaado sharaf guddoonsiiyay
wasiirka guddoomiyaha guddiga fulinta ee SCERDO Bashir Xaaji
Cali (Jamaal).Wasiirka ayaa isagu
ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku nool dalka Canada gaar ahaan magaalada Edmonton ee
gobolka Alberta.