Beesha Xuseen Siciid (Hayaag)
oo warsaxaafadeed ka soo saartay koox qaswadayaal ah oo ka
soo kicitimay Garoowe.
Shir dhinaca isgaadhsiinta ah (teleconference)oo
ay caawa oo bisha May tahay 21, 2012 isugu yimaaddeen
guddiga fulinta ee xaaladda deg dega ah ee beesha Hayaag
ayaa waxa ay ku falanqeeyeen saamaynta ay ku yeelan karto
gobolka Cayn iyo guud ahaan degaannada Khaatumo imaatinka
koox laga soo abaabulay magaalada Garoowe ee xarunta
maamulka Puntland oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Axmed Cali
(Dabagooye) oo bishii April 27keedii laga xayuubiyay
maskabkii isinimo ee uu u hayay beesha Hayaag.
Haddaba dood dheer iyo falanqayn ku
saabsan saamaynta ay ku yeelankaraan kooxdaasi degenaanshaha
iyo nabadgalyada gobolka Cayn iyo degaannada Khaatumo, waxaa
guddigu isla gartay in loo bayaamiyo beelwaynta Dhulbahante
gaar ahaan dadwaynaha reer Buuhoodle mowqifka beesha Hayaag
ee ku aaddan kooxdan uu horboodayo Cabdillaahi Dabagooye.