Sa-nguan Sunthornwong oo
ah 88 jir udhashay wadanka Thailand ayaa noqday ardaygii ugu
da’da weynaa aduunka ee qaata shahaadada jaamacada kadib 12
sano oo uu ahaa arday ka tirsan Jaamacada Sukhothai
Thammathirat Open University ee degmada Song Phi Nong ee
Koonfurta wadanka Thailand ayuu ninkaan gaadhay hamigiisii.
Bangkok Post ayaa qortay
in ninkaan odeyga ah uu si xiriir ah u iman jiray fasalada
jaamacada waxaase uu seegay qalin jabintii dufcadii ay isku
fasalka ahaayeen kadib markii uu xanuunsaday, Waxaa uu
qaatay shahaadada qaanuunka ama sharciga kadib markii loo
sameeyay xaflad qaas ah
Ninkan oo loo aqoonsaday
ardeygii ugu weynaa ee qaata shahaadada Jaamacada oo goobta
ka hadlay ayaa sheegay in uu doonaayo in uu sameeyo Master
Degree.