KU: MAAMULLADA IYO
WAXGARADKA DADKA KU HADLA AFKA SOOMAALIGA.
(Denmark, May 29, 2012 Ceegaag Online)
Inta xusan waxaa la gudboon inay u caqli celiyaan dalalka
bilaabay inay jaaliyadaha Soomaaliyeed ka dhaqaan kuna
maamulaan maahmaahyaha Soomaaligaa sida:
1-
LAFO GARI IYAGAA LA ISKU JABIYAA iyo oraahda caankaa ee
2-
QAYBI OO XUKUN AMA ISU ADEEGSO OO ISKU DULLEE iyo hababkii
lagula dagaalami jirey nabiyada (csws) ee ahaa:
3-
CID WALEYBAA KEEN HAL QAATIL SI LOO WADA DILO NABIGA OON CID
GAARA LOOGU QABSAN.
Waxaaa la hubaynayaa kooxo dumar u badan oo dakano ku wata
ina-rag dhammaantiis iyo Diinta Islaamka oo markay guud
ahaan raggi fureen oo ay bac madoow dibadda u dhigeen hadda
loo qalabeeyey khaniiseynta, isu loogidda iyo isuguurinta
ragga siiba ninkii dhinacyo kale ay colaad siyaasadeed ama
mid kale ku wateen iyagoo taageeryoyin ka helaya kooxo kale
oo badan sida midey wado qabyaalad, mid uu wado laaluush
horayba lagu cunay dilka ninkaas, mid uu wado nolol-ka-dhac,
maadaama dhaqan-doorsoonka ilaa heerkaasa uusan ku faafin
dadka ku hadla Afka Soomaaliga balse mudooyinkii danbe lagu
samaynayey maalgalin oo hadaf laga yeeshay.
Xilkasnimo darrada maamulada dalalka bilaabay cadaawadaan
waxay gaartey inay adeegsadaan dumar doorsoomay, caruuro
waalidkood laga boobay iyo inta noloshaba laga qubay oo
xitaa la gaarsiiyey in loo isticmaalo xitaa sidii jalfiskii
iyo ku samaysiga dagaalka-digaagga/cock fighting ee lagu
qoslo oo la duldhigo guryaha shaqsiyaadka lagu xad-gudbaayo
ee diidey in loo qaabeeyo sida la doono iyo sida aluminiumka
ee la doonayo in la dagaal-galiyo amaba la barakiciyo oo
xitaa ay is hortaagaan hurdada iyo xasiloonida. Maamuladaasi
waxay bixiyaan dhammaan kharashka iyo qalabka tajasuska iyo
torturka/silicdilyada ee ay shaqadaasi u baahan tahay.
Lagamana yaabo inay soo dhexgalaan boolisku oo waa shaqo
qaran.
Intaa waxaa dheer oo lagu wargalinyayaa maamulada iyo
waxgaradka Soomaalida:
1-
Abaabulka jariimooyin ay dad kale wataan balse lagu daboolo
muuqaal Soomaaliyeed si loogu ekeysiiyo wax u khaasa oo ka
dhex socda Soomaalida si la
isugu sii diro dadka Soomaaliyeed oo horay la isigu diray;
2-
Ruqsad siinta dadyowga ay Soomaalida dhibaatooyinku dhex
yaalliin si ay u khaarajiyaan qof kasta oo ah
Soomaali lagana dareemo Soomaalinimo sii loo wada
indho-iyo-dhago beelo
loona wada noqdo qabiiliiste iyo goboliiste.
Cawaaqibku wuxuu saamayn doona dhankasta ee dayaca xilka ka
saaran fuxshigaan ijraamigaa ee waadaxay kana qarsoonayn
cidnaba. Waayo markay is-difaacaan dadku waxaa lagu wada
maagi doonaa dadka ku hadla Afka Soomaaligaa oo dhan ooy
weheliso sumcad xumada
sida xun ee loo isticmaalyo dad u badan dumar oo lagu
tilmaamayo Soomaali oo lagu tiriyo ummadda Muslimiinta.
Faahfaahinta arrimahan waxaad ka eegi kartaa bogan:
http://www.hornpeace.webs.com
Xil Gudasho iyo Wada Shaqayn Wacan
Amiir Cabduraxmaan Xussen Muxammad (BBA/MBA),
Denmark
amiirdaldoon@gmail.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |