Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya oo
cambaareysay qaraxii ka dhacay magaaalada Dhuusomareeb. (Warsaxaafadeed)
(Muqdisho May 01,
2012 Ceegaag Online)
Dowladda federaalka KMG
Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii galabta ka dhacay
magaalada Dhuusomareeb ee gobalka Galgaduud. Afhayeenka
dowladda C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa Saxaafadda u sheegay
in Xukuumadda ay ka xuntahay qaraxii galabta ka dhacay
Magaalada Dhuuso mareeb ee gobalka Galgaduud halkaas
oo ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaadhay qaar katirsan
xildhibaanada dowladda KMG Soomaaliya.
C/raxmaan Cumar ayaa
kaloo sheegay in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo
Xildhibaan C/wali Aw-Muxumed ay ku dhinteen qaraxaasi
islamarkaana uu ku dhaawacmay Axmed C/salaam oo Xukuumadii
hore ka noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo mas’uuliyiin
kale.
Afhayeenka ayaa Shacabka
Soomaaliyeed u sheegay inaysan intaan ka dib u
dul-qaadan doonin in kooxaha nabad diidka ah ay sii
joogteeyaan falalkooda argagaxisada ah. Dowladdu waxay sii
kordhin doontaa howlgalada looga soo horjeedo kooxdan
caadeysatay inay shacabka gumaadaan.
Dhinaca kale Afhayeenka
ayaa tilmaamay in Warsaxaafadeed ka soo baxay UN-ka, AU iyo
IGAD lagu sheegay in cidii ka hortimaada Road-map-ka tilaaba
cadd laga qaadi doono islamarkaana loo aqoonsanayo
qaswadayaal.
Ugu dambeyntii
Afhayeenka dowladda KMG Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed iney taageeraan hanaanka looga baxayo Kumeel
Gaarnimadda islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii loo heli
lahaa dowladd Soomaaliyeed oo rasmi ah.