Dawlad goboleedka
Puntland oo qoonsatay qodobo kamida Dastuurka
(Muqdisho. May 12, 2012 Ceegaag Online)
-
Puntland State of Somalia
Garowe
Dib-u-eegidda Dowladda Puntland Qabyo qoraalka Dastuurka
Federaalka ee Somalia (soo gaaray 30/04/2012)
Cinwaanka oo Qabyo-qoraalka ugu qoran “Jamhuuriyadda
Somalia” ama “Somali Republic” waa in loo badala:
Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia (Constitution
of the Federal Republic of Somalia)
Qodobka 1aad Jamhuuriyada
Faqrada 1aad: halaga dhigo: Somalia waa Jamhuuriyada
Federaal ah.
Fiiro Gaar ah Meelkasta oo ay ku qoran tahay “Dowlada
Goboleedyadda” waa in loo badala Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka Somalia.
Qodobka 5aad: Afafka rasmiga ah
Dalka wuxuu u baahanyahay hal luuqad oo rasmi ah (af
Soomaali). Lahjadaha kale oo af guriga ah, si kastaba ha u
kala badnaadeenee, deegamada ay ka jiraan sidii hore
halooga isticmaalo.
Qodobka 6aad: Calanka iyo Astaanta Qaranka
Faqrada 3aad: oo u qoran: “Baarlamaanka ayaa sharci gaar
ah soo saaraya Heesta Qaranka, billadaha sharafta iyo
maamuuska ay mudan yihiin calanka iyo heesta qaranka ee
Jamhuuriyadda Soomaaliya.”
Halaga saaro weerta ah “Baarlamaankaa ayaa sharci gaar ah
ka soo saaraya” iyadoo ay hore u jirtay Heesta Qaranka (Soomaaliyey
Toosoo).
Halagu daro: “Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Somalia waxay yeelanayaan Calankooda iyo Astaantooda
gaarka ah” taasoo waafaqsan nidaamka Federaalka ee
caalamiga ah.
Qodobka 7aad: Dhulka Dowladda
Faqrada 1aad: oo u qoran: “si waafaqsan sharci uu
Baarlamaanka Qaranku ansixiyo.” Halaga dhigo: “si
waafaqsan sharciga Caalamiga ah.”
Qodobka 9aad: Magaala Madaxda Qaranka
Halagu daro: “Magaalo madaxda waa meel loo siman yahay,
waana in loo sameeyaa maqaam gaar ah (special status) oo
ay ka wada xaajoodaan kana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka Somalia.”
Sidoo kale, halagu daro baahinta xaruumaha Hey’adaha
Federaalka Dastuuriga ah, sida Baarlamaanka, Golaha
Fulinta, iyo Ciidamada (decentralization of Federal
Government institutions).
Qodobka 19aad: Xurmada Hoyga
Faqrada 1aad: Halagu daro: “…ama hadaan fal-dambiyeed
gudihiisa ka dhacaynin.”
Qodobka 44aad: Dhulka
Farqada 3aad: Qodobkaa waa in lagu kordhiyaa: “Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia waxay dajinayaan
siyaasad-dhuleed heerkooda ah.”
Qodobka 45aad: Kheyraadka dabiiciga ah
Farqada 2aad: oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka waa
inuu dejiyaa sharci qeexaya sida ay kala yeelanayaan
dawladda federaalka, Dawlad Goboleedyada iyo Maamulada
Degaanada dakhliga ka soo baxa shidaalka, macaadiinta iyo
rukhsadaha kalluumaysiga.”
Oraahdaa waa mid aan waafaqsanayn nidaamka Federaalka.
Qodobkaan waa in meesha laga saaraa illaa ay ka xaajoodaan
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Kheyraadka dabiiciga ah: Wixii dhulka Somalia oogadiisa ku
yaala, oo hadaba la kala leeyahay, sida badda, webbiyadda,
iyo dhul beereedka, deegaan walba wixii ku yaal buu
leeyahay, waxaana maamulaya Dowladaha Xubanaha ka Dowladda
Federaalka. Wixii intaa ka soo haray oo maalgelid u baahan
(sida macadiinta, shidaalka, gaas, iwm) waxaa ka wada
xaajoonaya wax qaybsigooda Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka. Qodobkaan kheyraadka ah wuxuu ka
horimaanaya Qodobka 54aad ee Dastuurka Puntland.
Qodobka 53aad: Nidaamka Doorashooyinka
Qodobkaan oo u qoran: “Nidaamka doorashooyinka
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa saldhig u ah isudhignaanta
tirada kuraasta uu xisbi ka helo Golaha Shacabka iyo
boqolkiiba inta isla xisbigaasi ka helo tirada guud ee
codbixinta.”
Qodobkaan oo ka hadlaya arrin aan cadayn oo Somalia aan
lagaga dhaqmi karin lana aqbali karin, waana in meesha
laga saaraa.
Qodobka 58aad: Habdhaqanka Doorashooyinka
Halagu daro: “Guddiga Doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka”
Qodobka 59aad: Sharciga Doorashooyinka
Qodobkaan oo u qoran: “Baarlamaanka Federaalka ayaa soo
saaraya sharciga doorashooyinka ee heerarka qaranka,
Dawlad-goboleedyada iyo Golayaasha Degaanka. Sharcigaas
waa in uu xaqiijiyaa:”
Halagu kordhiyo: “Baarlamaanka Federaalka iyo
Baarlamaanada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
ayaa soo kala saaraya sharciga doorashooyinka ee Heer
Federaal iyo Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka…”
Qodobka 60aad: Guddiga Qaranka ee Doorashooyinka iyo
Diwaangelinta Xisbiyadda Waxaa jiri doonaa Guddiga Qaranka
ee Doorashooyinka oo maamula doorashooyinka Federaalka,
waxaana sidoo kale jiri doona Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka ee Somalia oo mid kasta yeelanaysa
Guddi Doorasho oo iyada u gaar ah
Qodobka 63aad : Qaab dhismeedka Dowladda
Faqradiisa 1aad xarfaha a,b iyo c ha laga dhigo qaab
dhismeedka Dowladda waa laba heer oo kala ah:
a) Heerka Dowladda Federaalka iyo
b) Heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo
ay hoosimaanayaan Dowladaha Deegaanka.
Qodobka 64aad : Tirada iyo xuduudaha Dowlad-goboleedyada
iyo Degmooyinka Tirada iyo Xuduudaha Dowladaha Xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka Somalia, waa in loo qaata sida ku
qoran Faqradaha 5aad iyo 6aad ee isla Qodobkaan. Waana in
meesha laga saaraa Faqradaha 1, 2, 3 iyo 4aad, oo ka
horimaanaya Faqradaha 5aad iyo 6aad.
Qodobka 67aad: Iskaashiga Dowlad goboleedyada
Faqrada 1aad, (a) weerta ah “Guddoomiyayaalka dawlad
goboleedyada” waa in meesha laga saaraa sababtoo ah meel
ka dhac ku yahay maamuuska iyo xilka mas’uuliinta sare ee
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Somalia oo ku
qeexan Dastuurka Puntland.
Qodobka 68aad : Wada-xaajoodyada Caalamiga ah
Faqrada 2aad: weerta “Xukuumadda Federaalka ah waa ay ku
dari karta ergada wada xaajoodka” waa in lagu bedelaa “waa
in ay ka mid noqdaan”
Faqrada 3aad ha laga tuuro, sababtoo ah waxay xadgudub ku
tahay xuquuqda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qodobada kala qaybinta Awoodaha ee 69-77aad
Waxqaybsiga awoodaha oo ku qoran qodobada 69-77aad oo loo
soo qoray qaab xadgudub iyo amar ku taaglayn ku ah
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waa in laga
saaraa Qabyo-qoraalka ilaa ay ka soo dhismayaan Dowladaha
ka mid noqonaya Dowladda Federaalka oo dhiman oo iyagu
awoodaa wax qaybsiga leh, kuwasoo wada xaajood ay ka wada
gaari doonaan wax qaybsiga awoodaha Dowladda Federaalka
iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qodobka 86aad : Hogaamiyaha Mucaaradka
Farqada 1aad ee qodobkan lama garanayo waxa looga jeedo,
halaga saaro meesha.
Qodobka 87aad: Xilka Xeer dejinta Golaha Shacabka
Faqradaha C & D waa in laga saaraa qoraalka wuxuu awooda
ka qaadayaa Golaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka,
wuxuuna awoodaas ku wareejiyay Golaha Shacabka (Aqalka
Hoose) taasoo keenaysa jahwareer
Qodobka 88aad : Tirada Xubnaha Golaha Shacabka
Faqrada 2aad weerta ah “Sharci gaar ah ayaa qeexaya
halbeegyada saldhigga looga dhigayo go’aminta tirada
xubnaha Golaha shaciga.”
Faqradaan waa in meesha laga saaraa sababtoo wuxuu ka hor
imaanayaa heshiiskii Roadmap-ka iyo Mabaadiida Garoowe 1
iyo 2 ee lagu go’aamiyey dhimida tirada Xildhibaanada
Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Dowladda Federaalka
lagana dhigay 225 xildhibaan.
Faqrada 4aad ee isla qodabkaan looma baahna sababtoo ah
wuxuu ka imaanayaa nidaamka tartanka Xisbiyadda badan.
Qodobka 93aad: Tirada Xubnaha ay shirarku ku ansaxayaan
iyo go’aan gaarista Golaha Shacabka
Faqrada 2aad weert ah saddex meelood labo loo bedelaa kala
bar lagu daray hal tiro (50% + 1) xubnaha Golaha Shacabka.
Qodobka 96aad: Xilka Golaha Wakiillada Dowlad
goboleedyadda Iyadoo la raacayo go’ankii Mabaadiida
Garoowe 1 iyo 2 waa in magaca Golahan loo bedelaa Golaha
Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia.
Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku qoran tahay “Golaha
Wakiilada Dowlad-goboleedyada” waa in loo badalaa “Golaha
Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Somalia” (kuwasoo
matalaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Somalia)
Qodobka 97aad: Tirada Xubnaha Golaha Wakiillada
Dowlad-Goboleedyada
Cinwaanka qodobkaan waa in loo bedelaa: Golaha Aqalka Sare
ee Dowlada Federaalka Somalia.Xubnaha Aqalka Sare ee
Dowladda Federaalka Somalia oo tiradoodu tahay ugu badnaan
54-Xubnood (sida ku qoran Mabaadiida Garowe 2) oo ku
salaysan 18-gobol oo midkiiba 3-xubnood oo ka imaanayaa
Gobolladii jiray 1991-kii ka hor (18 Gobol x 3 xubnood =
54).
Qodobka 101aad: Go’aan qadashada Golaha Wakiiladda
Dowlad-Goboleedyada
Firqada 2aad: Go’aan qaadashada Golaha Aqalka Sare wuxuu
ku salaysmayaa tirada aqlabiyada Sadax meelood labo (2/3)
markii laga hadlayo danaha gaarka ah ee Dowladaha xubnaha
ka Dowladda Federaalka oo ay matalayaan.
Qodobka 106aad: Mashaariicda Sharci ee aan saamayn ku
lahayn Dowlad Goboleedyada
Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya cod
hal-dheeri (50% + 1) tirada guud ee Golaha Shacabka iyo
Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uusan saamayn
ku lahayn danaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka Somalia.”
Qodobka 107aad: Mashruuc Sharci oo saamayn ku leh Heerka
Dowlad goboleedyada
Qodobkaan wuxu isdaba mariyay awoodihii labada aqal ee
Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia iyo Awoodaha u
qaybsan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka, wuxuuna keenaya jahwareer iyo iska
horimaad.
Waa in loo qoraa sidatan: “Mashruuc sharciyeed kasta waa
inuu maraa labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka:
Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare oo
matala Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Somalia, mashruuc sharciyeed kastana waa inuu ku hormaraa
Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ka dibna loo gudbiyaa
Golaha Aqalka Sare.”
Firqada 1aad: Waa in lagu kordhiyaa “Wuxuu ku ansaxaya
sadax meelood labo (2 / 3) tirada guud ee Golaha Shacabka
iyo Golaha Aqalka Sare, mashruucaas sharci hadii uu
saamayn ku leeyahay danaha Dowladaha xubnaha ka Dowladda
Federaalka Somalia.”
Faqarada 4aad meesha ay ku qoran Madaxweynuhu gudoomiyo
hala dhigo in Madaxweynuhu saxiixo si loogu soo saaro
Faafinta Rasmiga ah. Fiiro Gaar ah: Meel kasta oo ay ku
taalo “Madaxweynuhu ha gudoomiyo” halagu badalo
“Madaxweynuhu ha saxiixo.”
Qodobka 108aad: Guddiga Dhexdhexaadinta Baarlamaanka
Federaalka
Looma baahna Guddigaan Dhexdhexaadinta, shaqadaas waxaa
iska leh Maxkamadda Dastuuriga ah.
Qodobka 109aad: Faafinta iyo Xafidaada Sharciyada
Halaga dhigo Faafinta iyo Kaydinta Sharciyadda waxaa u
xilsaaran Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Somalia
iyo Garyaqaanada Guud ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka Somalia.
Qodobka 112aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Cinwaanka halaga dhigo “Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka” meel kasta oo ay ku qoran tahay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda ama Jamhuuriyadda Somalia ha lagu badalo
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka” ama “Jamhuuriyadda
Federaalka Somalia”
Faqradiisa 1aad (c) halaga saaro eragya “horumariyaha”
Qodobka 113aad: Shuruudaha Doorashada Madaxweynenimada
Faqrada 1aad
Waa in loo bedelaa sidatan:
Muwaadin kasta oo Somali ah waa u furan tahay in uu u
tartamo Madaxweyne Dowladda Federaalka Somalia haddii uu
buuxiyo shuruudaha xilka oo ah:-
(a) Inuu yahay muwaadin Somali ah, Muslim ah, ku dhaqma
diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay
ka yarayn afartan (40) sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu
xilka hayana guursan karin.
(b) Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed,
aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed,
dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.
(c) Inaan xuquuqdiisa muwaadininimo go’aan maxkamadeed
lagu hakin shantii sano ee ugu dambeysay.
(d) In uusan hore u gelin khiyaamo qaran ama ku xad gudbin
xuquuqda bani’aadamka.
Faqrada 2aad weerta ah: “Murashax Madaxweyne, haddi uu
haysto jinsiyada dal ama dalal kale waa inuu doorashada ka
hor ka tanaasulaa jinsiyad ama jinsiyadaha shisheeye,
waana inuu Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Baarlamaanka
u gudbiya caddaymo rasmi ah.”
Halaga saaro faqradaan sababtoo wuxuu ka hor imaanayaa
Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana waafaqsana
xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr iyo
30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.
Qodobka 115aad: Awooda Madaxweynaha
Ha loogu hormariyo faqrad oranaysa: “Ilaaliyaha Diinta
Islaamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka Somalia”
Halagu daro Awoodaha Madaxweynaha:
1. Ku dhawaaqiyadda Xaalada Deg degga ah iyo Xaaladda
Dagaal
2. Wuxuu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida
3. Magacaabista Sarakiisha sare ee Dowladda Federaalka
Faqrada 1aad: weerta ah “…ogolaanshaha Golaha Wasiirada ka
dib” ha lagu badalo “…soo jeedinta Golaha Wasiirada”
Faqrada 5aad halaga dhigo sidatan: “Madaxweynaha waa
horumariyaha nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta”
Faqrada 6aad weerta ah: “Madaxweynuhu inuu gudoomiyo”
halaga dhigo “Madaxweynuhu inuu saxiixo”
Faqrada 7aad halaga dhigo “Golaha Shacabka (Aqalka Hoose)”
Qodobka 117aad: Maxkamadaynta iyo Maamuus ka xayuubinta
Madaxweynaha
Faqrada 1aad halaga saaro erayga “culus”
Weerta ah: “Madaxweynaha waxaa maamus ka-xayuubin kusoo
oogi kara Golaha Shacabka marka uu ku galo dembi
khiyaano-qaran ama xadgudub culus ee Dastuurka.”
Halaga dhigo “Madaxweynaha waxaa maamus ka xayuubin kusoo
oogi kara labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka marka uu
galo dembi khiyaano qaran ama xadgudub Dastuurka.
Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa sadax meelood
labo (2 / 3) tirada guud ee Xubnaha labada Aqal ee
Baarlamaanka Federaalka.”
Qodobka 122aad: Golaha Wasiirada
Faqrada 3aad halaga saaro tirada xadidaysa Wasiirada,
waana ka badnaan karaan waana ka yaraan karaan duruufaha
siyaasadeed ee jira awgood.
Faqrada 4aad haloo dhigo sidatan: “Golaha Wasiirada waxaa
laga dhex xulan karaa Baarlamaanka gudihiisa iyo
dibadiisaba. Haddii xubin Baarlamaanka ka tirsan loo
magacaabo xubin Golaha Wasiirada wuxuu luminayaa
xubinimadiisii Baarlamaanka.”
Farqada 5aad haloo qoro sidan: “Xilbanaynta Raysul
Wasaaraha sabab kasta ha ku timaadee waxay keenaysaa
dhicidda Golaha Wasiirada.”
Qodobka 123aad: Shuruudaha Xubinimada Golaha Wasiirada
Faqradiisa 1aad
(a) da’da Raysul Wasaraha hala dhigo ugu yaraan 40 sano
(c) weerta ah: “haddi uu haysto jinsiyad dal ama dalal
kale waa in uu si
rasmi ah ugu tanaasulaan jinsiyadda shisheeye inta uusan
qaban xilalkaas”
Halaga saaro faqrada ah (c) sababtoo wuxuu ka hor
imaanayaa Qodobka 8aad Faqradiisa 3aad & 4aad mana
waafaqsana xaalada dhabta ah ee Somalia ka dhacday dhowr
iyo 30kii-sano ee u dambeesay ilaa hadana ka jirta.
Faqrada 2aad (a) halaga dhigo aan ka yarayn 35 sano
Faqrada 3aad ha la isku daro (a) iyo (b) hana laga dhigo
sidatan: “Waxaa ka reeban inay qabtaan xil kale ama
Dowladeed ama gaar ahaaneed mudada ay xilka hayaan”
Qodobka 125aad: Xilka iyo Awooda Ra’isalwasaaraha
Faqrada 1aad (c), (d) iyo (e) halaga saaro waxaa iska leh
awoodahaas Madaxweynaha Federaalka Somalia.
Qodobka 133aad: Nidaamka Maxkamaha Dalka
Halaga dhigo: “Garsoorku wuxuu noqonayaa laba heer oo ah
heer Federaalka iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka. Waxaa ka dhaxaynaya Maxkamada dalka u saraysa
oo Heer Federaal ah iyadoo Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka ay yeelan doonaan Maxkamad Sare oo
iyaga u gaar ah.”
Arrintaan ayaan waafaqsan nidaamka dowladaha Federaalka ee
caalamka ka jira.
Dowladda Federaalka waxay yeelan kartaa maxkamado
shuruucda hey’adaha u gaarka ah Dowladda Federaalka lagu
qaado.
Qodobka 141aad: Magacaabista Garsoorayaasha
Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa nidaamka Garsoorka ee
Federaalka ah oo labo u qaybsama kuwasoo kala heer
Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka.
Maxkamadaha dalka waxay noqonayaan badidoodu Heer
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida
Maxkamada Sare, Maxkamada Darajada Koowaad, Maxkamada
Gobolka, iyo Maxkamada Degmada. Dowladda Federaalka waxay
yeelanaysaa Maxkamada u saraysa dalka oo ah Rafcaanka u
sareeya dalka iyo Maxkamada Dastuurka Federaalka ah.
FG: Wixii intaa ka baxsan oo Maxkamadaha ah waa in laga
saara.
Qodobada 133-145 oo ka hadlaya Garsoorka Qaabdhismeedkiisa,
magacabistiisa iyo xilgudashadiisa
Waa in laga wada hadlaa oo la waafajiyaa nidaamka awood
qaybsiga Garsoor Federaalka ah.
Qodobka 147aad: Samaynta Guddi Madaxbannaan
Qodobkan haloo qoro sidatan: “Waxaa jiri doona Guddiyo
madaxbanaan oo Heer Federaal iyo Heer Dowladaha xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka, waajibaadkooda, xilkooda iyo
tiradooda waxaa lagu qeexayaa Xeer gaar ah oo laga
ansixiyo labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Iyadoo la
tixgalinayo duruufaha gaarka ah oo Guddiyadaas loo
xilsaaray, Xubnaha ka qaybgalaya waa in lagala tashada
awoodna loo siiyaa inay ka qeybqaataan Dowladaha xubnaha
ka ah Dowladda Federaalka Somalia.”
Tusaale : Guddiga Isucelinta Hantidii la kala dhacay;
Guddiga Caasimadda; Guddiga Xuduudaha Dowladaha xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka; iyo wixii kale oo si gaar ah u
khuseeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Wixii intaas lid ku ah, halaga saaro.
Qodobka 148aad: Magacaabista Guddiyada
Halaga dhigo sidatan: “Magacaabidda Guddiga Madaxbanaan
waxaa soo jeedin kara Dowladda Federaalka ama Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, waxaana ansixinaya
Baarlamaanka Federaalka (labada aqal). Haddii Baarlamaanka
Federaalka uu ansixiyo magacaabidda Guddigaas, waxaa loo
gudbinayaa Madaxweynaha Federaalka, si uu u saxiixo.”
Halaga dhigo sidatan: “Sharciyada gaarka ah ee guddiyada
madaxbannaan iyo magacyada xubnaha waxaa soo jeedinaya
Dowladda Federaalka ama Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka, oo arrinta Guddiga loo saarayo si gaar ah u
khusayso.”
Qodobka 149aad: Shuruudaha Xubnaha Guddiyada Madaxbannaan
halagu badalo: “Waa inuu leeyahay aqoon iyo khibrad la
xiriirta Guddiga loo magacaabay howsha ay qabanayaan.”
halagu daro: “Waa inuusan ka qaybqaadan dambiyadii dalka
ka dhacay”
Qodobka 150aad: Mudadda Xilka
Farqada 1aad halaga saaro sababtoo ah muddada Guddiga
waxaa lagu cadeenayaa Xeerka lagu magacaabo Guddi kasta
(terms of reference)
Faqrada 2aad halaga saaro hana lagu cadeeyo Xeerka guddi
kasta (terms of reference)
Qodobka 151aad: Xil ka qaadista guddiyada
Faqradaha 3aad iyo 4aad halaga saaro sababtoo ah waxay ka
horimaanayaan nidaamka Garsoorka lamana samayn karo
Maxkamad gaar ah
Qodobka 152aad: Waajibaadka warbixinta
Halaga dhigo sidatan: “Iyadoo muddada howlgalka Guddi
kasta ay kala gedisnaan karto, waxaa laga rabaa in Guddi
kasta soo qadimo warbixin ku saabsan waxqabadkiisa mudada
uu jiro si looga go’aan qaato.” (progress report and final
report).
Qodobada kale oo ku saabsan Guddiyada Madaxbanaan oo
intaan ka danbaysa halaga saaro dhammaantood, waana
tafaasiil iyo iska horimaad aan loo baahnayn.
Qodobka 153aad: Ku dhaqanka qaybtan
Halaga saaro Qodobkaan sababtoo ah arrimahaan waxay ku
xusan yihiin Qodobka 148aad ilaa 152aad. Waa tafaasiil
iska horimaanaysa iyo isku soo noqnoqod khaldaya qodobadii
hore (148aad ilaa 152aad) sidaa darteed halaga saaro
Qabyo-qoraalka.
Qodobka 154aad: Xafiisyada Madaxbannaan
Qodobkaan sida uu u qoran yahay ma cadda eray bixintiisa
iyo ujeedda qodobkaan midna sidaa darteed halaga dhigo
sidatan:
“Waxaa jiraya hey’addo madaxbanaan oo ay yeelanayaan
Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hantidhowrka Guud,
Bangiga dhexe, diyaaradda Somalia (national flag airline),
iyo wixii kale oo haboonaada oo Heer Federaal iyo Heer
Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka Somalia.”
Qodobka 159aad: Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah
Faqrada 2aad sidaan haloo qoro: “Waxaa jiraya Guddiga
Shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah Heer Federal iyo Heer
Dowladaha Xubnaha ka Dowladda Federaalka.”
Qodobka 161aad ilaa Qodobka 163aad: oo ka hadlaya
Dastuurada Dowlad Goboleedyada
Qodobada 161aad, 162aad iyo 163aad oo ka hadlaya arrimaha
dastuurada Federaalka iyo Dowladaha kale ee xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka, si ay isu waafaqi lahaayeen ayaan la
aqbali karin sida ay Qabyo Qoraalka ugu qoran yihiin
qodobadaani.
Maadama Dastuurka Puntland loo qaaday afti dadweyne, ahna
dastuurka kaliya oo dhamaystiran ee Dowladaha Xubnaha ka
ah Dowladda Federaalka waa in la iswaafajiyaa Dastuurka
Federaalka iyo Dastuurka Puntland ka hor ansixinta
dadweynaha ee Dastuurka Federaalka, sidii looga heshiiyay
Mabaadiida Garowe 1 iyo 2.
Qodobka 163aad: Wax-ka bedelka Dastuurada Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka
Qodobkaan looma baahna, sababtoo ah wax ka badalka
Dastuurka waxaa iska leh hey’adaha dastuuriga ah ee
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.
Qodobada 164-179aad iyo Qodobka 182aad oo dhamaan ka
hadlaya Maaliyadda Guud
Sida Qodobadaan u qoran yihiin lama aqbali karo waana
xaqdarro iyo xadgudub wax qaybsiga awoodaha maaliyadeed ee
dalka oo la wada siiyay Dowladda Federaalka ah iyadoo
waxba loo reebin Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka, sida Dowladda Puntland si ay ugu fuliso
adeegyadii amniga iyo bulshada.
Qodobkaan waa xasaasi waxaa awood u leh dowladaha
Federaalka ka mid noqda inay uga heshiiyaan in si cadaalad
ku dhisan waafaqsanna nidaamka Federaalka caalamka. Waa in
qodobadaan laga saaraa Qabyo qoraalka ama lagu daraa “inta
ay ka soo dhismayaan Dowladihii kale ee ka mid noqon lahaa
Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.”
Wixii maaliyad ku saabsan oo ku xusan Qodobada 164aad –
179aad iyo Qodobka 182aad kulligood waa in dib uga
wadahadlaan ugana heshiiyaan Dowladaha Xubnaha ka ah
Dowladda Federaalka Somalia.
Gaar ahaan: Qodobka 165: Awoodaha Dakhli uruurinta
Faqrada 3aad: weerta ah: “Xukuumada federaalku sharci ayay
ugu oggolaanaysaa xukuumadaha dawlad- goboleedyada iyo
dawladaha hoose inay uruuriyaan canshuuro…”
Qodobkaani ma aha mid wafaaqsan nidaamka
dakhli-qaybsashada ee Federaalka ah. Xukuumadda Federaalka
ma yeelanayso awood ay iyadu sharci ugu ogolaanayso
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Balse, kala
qaybinta dakhliga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyadoo isu dheelitiran
canshuuraha iyo adeegyada Dowladahaasi fulinayaan in marka
hore lagaga heshiiyo siyaasad dhaqaale ahaan intaan Qabyo
qoraal lagu soo bandhigin.
Qodobka 180aad: Bankiga Federaalka
Faqrada 2aad meesha Maaliyaddu ku qorantahay halagu bedelo
“Lacagta”.
Qodobka 183aad: Kaydka Qaranka
Qodobkan Hey’ad loo xilsaaray Keyd Qaran ma jiri karto
sababtoo ah Hey’adda kaliya oo keydka qaran hayn kartaa
waa Bangiga Dhexe oo kaliya.
Qodobka 184aad: Suggidda Amniga Jamhuuriyadda
Qodobkaan 184aad ma aha mid u gaar ah Dowladda Federaalka
oo kaliya, sida ku qoran Qabyo qoraalka. Wuxuu noqonayaa
mid ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka iyo Dowladaha
xubnaha ka ah Dowladda Federalka, ciidamada qalabka sidana
ay ku wada jiraan. Tusaale ahaan, waa in qaabka hoos ku
qoran loo badalaa Qodobkaan:
Faqrada 1aad halaga dhigo sidaan:
(a) Ciidamada Xoogga Dalka oo isugu dheelitiran Dowladaha
Xubnaha ka ah Dowladda Federalka
(b) Booliiska Federaalka iyo Booliiska Dowladaha Xubnaha
ka ah Dowladda Federaalka
(c) Ciidanka Asluubta ee Federaalka iyo kan Dowladaha
Xubnaha ka ah Federaalka
(d) halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka Federaalka iyo kuwa
Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Faqrada 2aad adeegsiga Ciidamada Amniga waxaa lagu sugayaa
Sharciyadooda u kala gaarka ah Heer Federaal iyo Heer
Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qodobka 187aad: Hay’adda Gardonka (Ombudsman)
Qodobkaan dhaqan-dowladeedka Somalia xilligaan kama
shaqayn karo halaga saaro, Hey’adda Gardoonka (Ombudsman)
shaqadeeda waxay ka hor imaanyasaa Xafiiska Xeer
Illaaliyaha Guud, Maxkamdaha iyo Shuruucda dalka u degsan,
sidaas darteed waa in meesha laga saaraa.
Qodobka 188aad: Amaro Sharci darro ah oo cad
Weerta ah: “Xubnaha ka tirsan Ciidammada Qalabka Sidaa uma
hogaansami karaan amar sharcidarro cad ah.”
Qodobkan ma geli karo Dastuurka, wuxuu ka mid noqonayaa
Xeerka Ciidamadda.
Qodobkaan meesha halaga saaro.
Qodobka 189aad: Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda Amniga
Qodobkan cinwaankiisa (Kormeerka Rayidka ee Ciidamadda
Amniga) iyo tafaasiisha hoose isma laha waana iska hor
imaanayaan dib haloo qoro hana la saxo. Tafaasiisha
qaarkeed oo ku qoranna waxay ka mid tahay Awoodaha
Madaxweynaha Qodobka 115aad.
Fiiro gaar ah: Qodobkaan wuxuu ka mid yahay meelaha
jahwareerka awoodaha hana laga saaro tafaasiisha aan loo
baahnayn.
Qodobka 190aad: Waajibaadka iyo Kormeerka Xakamaynta
Ciidamadda Xoogga Dalka
Qodobkan wuxuu ka hor imaanayaa qodobo ka horeeyay loomana
baahna waa in meesha laga saaraa, Tusaale ahaan faqrada
2aad & 3aad wuxuu ka hor imaanayaa qodobka ka hadlaya
Ciidamada iyo Waajibaadkooda (Qodobka 184aad) halaga saaro.
Qodobka 191aad: Waajibaadka Ciidanka Booliiska Federaalka
Qodobkaan wuxuu ka hadlaya shaqo hoosaadkii howlaha
Booliska waxaana lagu xusi doonaa Xeerka u gaarka ah
Ciidanka Booliska, sidaa darteed looma baahna in Dastuurka
lagu qoro tafaasiil hoose halaga saaro.
Qodobka 193aad: Dhismaha iyo Waajibaadka Ciidanka
Nabadsuggidda
Qodobkaan oo ka hadlaya Nabadsugida, halka ay Ciidan ka
tahay halaga dhigo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida.
Qodobka 194aad: Ciidanka Asluubta Federaalka
Qodobkaan oo ka hadlaya Ciidanka Asluubta Federaalka,
dalka wuxuu yeelanayaa Ciidan Asluub heerka Federaal iyo
Ciidan Asluub heerka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda
Federaalka.
Qodobka 196aad: Guddiga Adeegga Ciidamadda Amniga
Qodobkani wuxuu ka hor imaanayaa qaab dhismeedka Ciidamada,
Guddiga noocaan ahna ma jiri karo halaga saaro. Adeegga
Ciidamada waxaa u xilsaaran Wasaaradaha ay hoos yimaadaan
iyo Talisyadooda.
Qodobka 197aad: Xaaladda Degdegga ah
Qodobkaan wuxuu khilaafsanyahay Qodobka 125 Faqrada 1 (e)
ee isla qabyo-qoraalkan oo awooda ku dhawaaqista Xaaladda
degdega ah siinayay Raysul Wasaaraha, hasa yeeshee aanu
iswaafajinay Qodobkaan oo sax ah iyo Qodobka 115aad ee
Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
Qodobka198aad: Sharcidejinta Arrimaha Nabadda iyo Amniga
Qodobkaan wuxuu ka hadlayaa waajibaad aan cadayn waa in
dib loo qoraa si waafaqsan Qodobadii hore loo soo sheegay
ama meesha laga saara.
— DHAMAAD —
Waxaa soo diyaariyey:
Guddiga Dowladda Puntland ee Dib u eegidda
Qabyo-qoraalka Dastuurka Federaalka, oo ka kooban:
1.Md.Cabdiweli Xirsi
Cabdulle Gudoomiye
Wasiirka Shaqada, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada
2. Md.Dahir Xaji Khalif Xubin
Wasiirka Howlaha Guud
3. Md.Maxamad Farax Gaashan Xubin
Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga
4. Xil.Axmed Jamac Cabdulle Xubin
Gudoomiyaha Guddiga Shuruucda Baarlamaanka
Puntland
5. Xil.Sadiq Abshir Garaad Xubin
Ku-xigeenka Guddiga Shuruucda Baarlamaanka
Puntland
6. Md.Axmed Caydiid Cisman Xoghayn
Agaasime-ku-xigeenka Madaxtooyadda Puntland
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |