DHIBAATADA IYO KHATARTA
SIGAARKA.
(San
Diego,
May 25, 2012 Ceegaag Online)
Sigaarka waxaa laga sameeyaa caleenta geed dhererkiisu ama
joogiisu yahay hal mitir. Geedka tubaakada (tobacco tree)
caleentiisu gebiahaanteed waa sun. Laakiin iniinta geedkaasi
aad bay halis u tahay, nafleyda way sumaysaa oo dishaa.
Dhawr dhibcood oo ah casiir laga sameeyay iniinta geedkaas
waxay ku filan tahay inay disho oo qudha ka jarto qof ladan
oo caafimaad qaba, sida lagu caddeyay cilmi baaris la
sameeyay.
Iyadoo sababtu tahay dareen Alle ku abuuray, shinbiruhu uma
soo dhowaadaan geedka sigaarka laga sameeyo. Sido kalena,
shinnidu uma soo dhowaato kumana dul tegto ubaxiisana
dheecaan kama nuugto. Sidoo kale, bahaaim kuna ma cunaan
caleenta geedkaas.
Haddaba waxaa la yaab leh qofka sigaaryacabka ah oo Allehii
abuuray siiyay caqli uu wax ku kala garto inuu hawadiisa
raacay oo addoon ugu noqday qiiq. Bal qiiq muxuu faaiido
leeyahay? Waxaynu ognahay inuu qiiqu dadka hawada oksi
jiinka ka xiro oo cabburiyo kaddibna ay dhintaan. Waxaa
xoolaha bahaaimka ah iyo shibiruhu iyo shinnidu ka fogaadaan
ayuu banii aadanku naftiisa ku haligayaa. Banii aadanku ma
dowdar baa?
Tirakoob la qaaday waxaa lagu ogaaday in dadka u dhinta
sababo la xiriira sigaarka ay ka badan yihiin dadka u dhinta
cudurada ka dhasha maandooriyaasha (drugs), aydiska (AIDS),
khamrada iyo shilalka gawaarida ama baabuurta. Waxaa kalee
la soo ogaaday ragga sigaaryacabka ahi inay xagga raganimada
hawlgab ka noqdaan oo marba marka ka danbeeya awooddu ka sii
yaraato oo hadduu xaas lahaana hawshii laga rabay ka soo
bixi kari waayo maxaa yeelay waxaa ka fadhiistay matoorkii
(machine failure).
Dhibaatada sigaarku keeno waaga danbe
Jirka (maqaarka:
Sigaar cabbiddu waxay kordhisa engaga ama qallalka jirka ama
maqaarka (skin dryness). Waxaa intaas sii-dheer, qofka
sigaarka cabba jirkiisu wuu isku duub-duubmaa ama wuu isku
canyaan-yuubmaa sidii maro aan la kaawiyadayn. Intaas waxaad
ku dartaa, sigaar cabbiddu waxay daciifisaa ama sii yaraysaa
siduu jirku wax isaga difaaci lahaa hadduu maqaarka qofka ku
dhaco cudurka kaansarku.
Timo Daadasho (loss of hair)
Daraasad ama cilmi baaris uu sameeyay Machadka Daawaynta ee
ku yaal dalka Ingiriiska (British Medical Institute) waxay
caddaysay in dadka sigaarka cabbaa ay ka timo daadasho badan
yihiin dadka aan sigaarka cabbin. Sidoo kale, sigaar
cabbiddu waxay soo dedejisaa timaha oo cirrooba oo dambas
noqda.
Cudurada Sigaar Cabbiddu Keento waxaa ka mid ah:
-
Maskaxda oo xinjiraysata
- Kaansarka ku dhaca cunaha ama booca
- Kaansarka ku dhaca sanbabada
- Kaansarka ku dhaca beer-yarada
- Kaansarka ku dhaca kaadi-haysta
- Sanbabada oo barara
- Lafaha oo bulula ama jileec noqda oo jabi og
- Habowlaha dhiigga qaada oo xirma
- Laab xanuun aad u daran (angina pectoris)
- Kaansarka caloosha ku dhaca (stomach cancer)
- Boog caloolo ama boogta gaastarikada (gastric ulcer)
- Kaaansarka ku dhaca ilma galeenka (riximka ama makaanka)
- Ilmaha uurjiifka ah oo daciif noqda
- Awood darada iyo hawlgabnimada ku dhacda raganimada ragga
Cuduradaas kor ku xusan haddii mid ka mid ah uu ku dhaco qof
sigaaryacab ah, dhibaatadu ku ekaan mayso qofkaas dhibaatadu
ku dhacay. oo keliya. Bal wuxuu qofkaasii mushkilad iyo
culays iyo culaab ku noqonayaa qoyskiisa oo ah dadka guriga
kula nool, qaraabadiisa, asxaabtiisa iyo bulshada.
Cudurka kaansarku waa cudur halis ah oo dilaa ah. Qofkii
cudurkaasii ku dhaco wuxuu noqonayaa fadhiid ama curyaan oo
kale oo aan wax awood lahayn waxna qabsan karin.. Markaa
qofka sigaarka cabbaa isna waa dhiban yahay, dadka kalena
wuxuu ku hayaa dhibaato. Qiiqa qurmoon ee ka soo baxa
sigaarka wuxuu ka soo uraa qofka sigaaryacabka ah iyo
dharkiisaba. Urtaasina dadka way dhibtaa.
Qofka sigaarka cabbaa waa qof hawada naftiisu qool gashatay
oo addoon ka dhigatay. Qofka Muslimka ahi wuxuu addoon u
noqon karaa Allehii abuuray oo keliya. Qofka sigaarka cabbow
adba waad ogtahay siduu kuu bahdalay oo u beddalay
midabkaagii iyo muuqaalka guud. Jooji cabidda sigaarka intay
goori goor tahay oo is daba qabo. Nasiib baad leedahay
haduusan weli kaansar kugu dhicin
Waxaan idiin soo diyaariyay:
Moxamed Sh. Cali Daad
mohameddad@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |